Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   
Rooble.jpg?resize=960%2C588&ssl=1

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Isniin ah kulan gaar ah la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha waxa Kulanka ku weheliyay qaar kamid ah wasiirada xukuumaddiisa, xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka, xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka iyo mas’uuliyiin kale.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac loo ga hadlay horumarka laga sameeyay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Xafiiska Rooble ayaa sheegay in sidoo kale kulanka looga hadlay amniga doorashooyinka iyo taageerada Beesha Caalamka ee ku aaddan dhaqaalaha iyo farsamada doorashooyinka dalka.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this