Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Guddoonka guddiyo kale oo doorasho oo maanta lagu doortay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo Galmudug, ayaga oo cod gacan taag ah ku doortay Gudoomiyeyaal iyo ku-xigeenada Guddiyada.

Xubnaha Guddiga ayaa Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed u doortay Yuusuf C/qaadir Maxamed Baffo oo asagu helay codad gaaraya 10-cod, halka Maxamed Isxaaq oo la tartamayey uu helay 1-cod oo keliya.

Sidoo kale waxaa Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga loo doortay Nuuradiin Ibraahim Aadan oo asagu helay codad gaaraya 9-cod, halka uu C/llaahi Cabdi Mudalib oo kursigaas u tartamayey uu helay 2-cod.

Doorashada uu maanta qabtay guddiga ayaa hogaan cusub oo rasmi ah u yeelaysa Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed, waxaana dhawaan la filayaa in guddiyada maamulada ay iskugu imaadan kulamo ay ku dooranayaan guddoonkoda.

Sidoo kale, magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshsy Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug, iyaga oo maanta doortay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa.

Xilka Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ayaa waxaa isu-soo taagay musharixiinta kala ahaa: 1- Maxamed Daahir Guuleed, guddoomiye, 2- Saacid Aadan Jaamac. Ku xigeen.

Madasha Doorashada xubnaha soo xaadiray ayaa gaarayay 11 xubnood, waxaana Maxamed Daahir Guuleed ay u doorteen Guddoomiye, isaga oo helay 11 cod Mana jirin qof la tartamay. Sidoo kale Xubnaha Guddiga ayaa Saacid Aadan Jaamac waxaa ay u doorteen Guddoomiye Ku xigeen, isaga oo helay 11 cod, mana jirin qof la tartamay.

Maamulada Puntland, Hir-Shabeelle, Jubbaland, kuwa Banaadiriga iyo Gobolada Waqooyi oo loo yaqaan hadda Somaliland ayaa ayagu maalmaha socda lagu wadaa inay doortaan guddoomiyeyaal iyo ku-xigeenadooda.

212653229_230763948880398_89860335752208 212938415_230764038880389_33232514044962 213086517_230764128880380_19509632513544 212034779_230764178880375_70097067685004 211830422_230764218880371_43504858899163 211743442_230764248880368_47488636281513 213426445_230764308880362_76346681327812 214205539_230764362213690_85307698106176

The post Sawirro: Guddoonka guddiyo kale oo doorasho oo maanta lagu doortay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this