Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La yeeshay Guddoomiyaha Baanka Dhexe S/land & Ururka Sariflayaasha Wadajir

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La yeeshay Guddoomiyaha Baanka Dhexe S/land & Ururka Sariflayaasha Wadajir
baq.jpg
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta war-bixin ku saabsan Xaallada Sarifka suuqa ee Shillinka Somaliland si wada-jir ah uga dhagaystay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Sariflayaasha Wada-jir Barkhad Axmed Coofiye, Guddoomiye Ku-xigeenkiisa Abokor Cabdi Cawaale iyo Xog-haye Maxamed Cali Yuusuf.
Waxaanay madaxweynaha faahfaahin ka siiyeen labada dhinac xaaladda sarifku mudooyinkii u danbeeyey uu ka marayey suuqyada dalka, iyagoo xusay in uu haatan degan yahay, wakhti caalamka ay ka jiraan duruufo dhaqaale oo adag, kaas oo uu sababay Covid 19 ku, isla markaana Somaliland qabatay doorashooyin uu dhaqaale badani ku baxay, hadana aanay saamayn ku yeelan qiimaha shillinka Somaliland oo halkii si fadhiya.
Sidoo kale waxa ay xuseen in dedaalkaasi uu ku yimi iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya Baanka Dhexe, ururka Sariflayaasha wada-jir iyo Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil oo iyaguna door muhiima ku leh arrimahaas.
Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu labada dhinac uga mahad-celiyey hawsha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan, waxaanu kula dardaarmay madaxweynuhu inay marwalba tixgeliyeen duruufaha ku gadaaman bulshada qaybeheeda kala duwan.
214001203_4057263121054177_4705135858390
212653233_4057263201054169_8608957856775
212671296_4057263207720835_5802919194007
<img class="j1lvzwm4" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
<img class="j1lvzwm4" src="data:;base64, ” width=”18″ height=”18″ />
150Drs Hibo Bilan, Bixi Askar and 148 others
14 Comments
29 Shares
Like
Comment
Share

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this