Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb, Ama (Giib).? Qaybtii 2’aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Kumuu ahaa Captain, Allan Gibb? ama (GIIB).

Q.2aad By Cabdiraxmaan Fadli WA Australia

Markalena wuxuu qayb ka noqdey duullaank Erigo markalena wuxuu ka qayb-qaatey dagaalkii Daratoole ee daraashta lagu qaadey.

Intii u shaqada ciidamada ku jirey waxaa lagu abaal-mariyey tiro billado ah oo ay ugu waaweynaayeen kuwa magaciisa lagu lifaaqey sida DSO iyo DCM . Billadahan waxaa uu muteystey muddadii u dhaxaysay 1901 ilaa 1920 oo uu ku foogganaa dagaaladii daraawiishta iyo shaqooyinkii shacbigii maxmiyadda hoos imaanayey ee maammulka siiba togdheer iyo burco.

Taariikhda Giib waxaa ka mid ah inuu lasoo shaqeeyey ciidankii loo yaqaanney (king’s African Rifles) ama KAR qaybtooda Somaliland ee loo yaqaanney 6 KAR Somaliland.

Marka lasoo gaadhey ,March 1914 ayaa maammulkii ingiriisku go-aansadey in la sameeyo ciidamadii loo yaqaanney Camel Corps-ka waxaana madax looga dhigey Richard Corfield, haddaba markan ayaa GIIB laga dhigay ku xigeenka Corfield oo isagu sababsan doona gacanta daraawiishta.

Dagaalada daraawiishta ee uu ka qayb qaatey waxaa ka mid ahaa dagaalkii ERIGO 1902, markale dagaalkii Daratoole sannadkii 1903 iyo dagaalkii Jidbaale 1904 oo ay u qoran tahay in lagu ammaaney doorkii uu ka qaatey.

Dhammaan arrimahani waxay muujinayaan inuu daraawiishta dagaalkooda ku falnaa, waxaa kaloo taariikhdu xuseysaa markii Wadaadkii daraawiishta loo dhammeynayey inuu maamulka sare ee ciidamadii TALEEX qabsadey uu ka mid ahaa.

Waxaa taariikdu xuseysaa in waqtiyadii uu joogay Somaliland uu qayb ka mid ah ahaa (district commissioner of Burao) ama masuulka magaaladaas iyo deegaanada ku xeeran wax laga weyddiiyo.

2. Maxaa Giib iyo shacbigii togdheer siiba beesha dishey isku qabteen, sideese loo dilay?

Markeynu arrimaha sidan uga hadleynno ee magacyada qabaa-ilka afka ku dhufaneynno uma jeedno in aynu cid buun-buunnino xaasha, ilaahay ayaanu ka magan-galley in arrimahan caadifad qabiil nagu ijbaarto.

Laakiin waa xaqiiq biyo kama dhibcaan ah oo taariikhaha afka la isugu gudbiyo ee (Odey kasoo gaadh) ah iyo weliba buugaagtii ay qoreen dadkii arrinta waqtigeeda joogey sida qorayaashii reer yurub iyo xataa kuwii carbeed oo somalida iyo qabaailkeeda iyo dhaqankooda aad wax uga qorey oo xataa ilaa maanta laga helayo LIBRAR-yada caalamka in badan oo ka mid ah.

Captain,Allan Gibb oo loo aqoon ogyahay GIIB markii dawladda ingiriisku meel ku hubsatey dagaalkii ay kula jirtey wadaadkii Ina Cabdille Xasan iyo Daraawiishtiisii ayaa mar kale loo magacaabay shaqadiisii hore ee uu maxmiyadda ugu qaabbilsanaa taasoo ahayd inuu ka shaqeeyo arrimaha shacabka ama (Civil Duties).

Haddaba horraantii 1920 waxaa la siiyey waajibaad ah inuu dadka shacabka ka qaado cashuur si loogu hor mariyo arrimaha bulshada sida iskuullada iyo caafimaadka iwm ( Waa sida ku qoran qoraallada laga soo turjumay maqaalkan).

Cashuurtan boqortooyadii ingiriiska iyo waalligeedii Burco kusoo rogay dadkii waa la bilaabey laakiin may ku farxin dadkii maxmiyadda ingiriiska hoos joogey weliba reer Burco.

Waayo wax fikrad ah kamay haysan in xoolahooda iyo hantidooda takhsiir la saaro oo dad kale qaataan. Maanta qof kasta oo nool qarniga 21aad wuu fahmayaa in cashuurtu ay tahay wax faa,iido u leh shacabka oo dantooda lagaga shaqeeyo laakiin dadkii waqtigaa noolaa ee reer burco wey ku adkaatey arrintaasi iney fahmaan.

La soco qaybta 3aad ……………….

 

 

QAYBTII KOOWAAD HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATID

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this