Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Ahmed oo shaaciyey in Safaaradaha Itoobiya ku leedahay Dalalka Caalamka 30 ka mida la xidhi doono+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Abiy Ahmed oo shaaciyey in safaaradaha Itoobiya ku leedahay Dalalka Caalamka Badhkood la xidhi doono+Sababta

abiy-3.jpgAbiy Ahmed

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in go’aankii uu kala soo baxey ciidamada dhanka iyo Tigray, uu ahaa mid sax ah oo loo aynayo.

Wuxuu kahadlayey ra’iisal wasaaraha, kalfadhiga afraad ee gaarka ah ee Golaha Wakiilada ee dalka Itoobiya

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in safaaraddo badan loo baahneyn, taasoo galineysa dalka qarashaad dheeraad ah.

Dowladda la dhisi doono sanadka danbe ee bisha September, ayaa xiri doonta in ka badan soddon safaaradood, ayuu ku yiri khudbad uu maanta ka jeediyey baarlamaanka Itoobiya.

Shirka maanta ayaa bilawdey, ka gadaal markii xubnaha baarlamaanka ay u sacabatumeen muddo gaaraysa illaa iyo daqiiqad, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan ciidamada Itoobiya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka jawaabey su’aalo la xiriira xaaladaha haatan taagan iyo dhaqaalaha.

Su’aal ku saabsaneyd biyo xireenka, ayuu tilmaamey Abiy Ahmed iney ugga dan leeyihiin geedi dalkiisa uu uggu jiro dhanka iyo horumarka.

Wuxuu carabka ku adkeeyey in dalalka kale ay tahay iney fahmaan qorshaha horumarka ee dalkiisa, taasoo aan caqabad ku aheyn biyaha dalalka kale ee Sudan iyo Masar.

Abiy oo sheegay inuu qoran karo hal milyan oo dagaal-yahano

Abiy Ahmed
Abiy Ahmed

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maanta sheegay in dowladdiisa ay si fudud ku qoran karto hal milyan oo dagaal-yahano balse ay dooneyso inay dhiiri-geliso muddo “aamusnaan ah” oo ka hirgasha gobolka dagaalladi ay halakeeyen ee Tigray.

Hadallada Abiy ayaa yimid toddobaad kadib markii magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray ay u gacan gashay jabhadda Tigray ee TDF xilli dowladdiisa ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah.

TDF ayaa qabsashada Mekelle ku qeexday guul militari oo weyn, hase yeeshee Abiy iyo saraakiishiisa ayaa ku qeexay ka bixitaanka magaalada “xeelad”.

“Hal, laba ama saddex toddobaad gudahood, 100,000 oo ciidamo gaar ah, tababaran, islamarkaana abaabulan ayaa la isku keeni karaa,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaanada baarlamanka.

“Haddii la yiraahdo ciidamada gaarka ah kuma filna, haddii maleeshiyo loo baahdo, bil ama laba bil gudahood waxaa lagu abaabuli karaa hal milyan oo maleeshiyo.”

Hase yeeshee Abiy ayaa sheegay in saraakiisha “ay go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fakaro.”

Saraakiisha Tigray-ga ayaa Axaddii jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee Abiy, waxayna sheegeen inay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan gobolka.

Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki “waxyeeladii” ay geysteen intii uu dagaalka socday.

Abiy kama jawaabin shuruudahaas maanta.

Waxa uu sheegay in TDF ay dhul ku qabsadeen kaliya sabab ah in ciidamada dowladda ay go’aansadeen inay ka baxaan, taasi oo uu sheegay inay socotay muddo bil ah.

Waxa uu sidoo kale ammaan buuxda u jeediyey ciidamada.

“Ciidamadeena difaaca ma qaataan mushahar ku filan. Waxay kor u koraan oo ay kasoo degaan buuro. Roob iyo qorax ay ugu dagaalamaan sharafta dalkooda.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this