Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir u dhexeeya DF & dowlad goboleedyada oo furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka furmay shirweyne wada-tashi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidoo kale dowlad goboleedyada ka jira gudaha dalka.

Shirkan oo u dhexeeyo wasiirada caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad goboleed oo socon doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha caafimaadka, gaar ahaa wixii ka qabsoomay shirkii kan ka horreeyey ee ka dhacay magaalada Baydhabo.

Inta uu socday shirka waxaa ka qeyb-galaya wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar Nuur iyo wasiirada caafimaadka dowlad goboleedyada dalka, sida Puntland, Galmudug, HiirShabelle, Juballand iyo sidoo kale Koonfur Galbeed.

Fowsiyo oo furitaanka ka hadashay ayaa sharraxaad ka bixisay muhiimadda shirkan wada-tashiga caafimaadka ee ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

“Shirkaan muhiimadiisa wasiirada ayaa ka hadlay waxaan galaynaa saddex maalmood oo shaqo adag ina hortaalo loogana hadlayo maxaa inoo qabsoomay maxaa inaga qabyo ah iyo sidii aan uga wada shaqayn lahayn wixii aan wada leenahay wixii aan kala leenahay aad nala wadaagtaan, waxaan ognahay awooda dawladaha xubnaha ka ah aysan isku mid ahayn xaga caafimaadka, waxaan rajaynayaa saddex bari inaan juhdi badan ku bixino sidii aan natiijo wax ku ool ah uga soo saari lahayn.” ayey tiri Fowsiyo.

Sidoo kale waxa ay ka warbxisay dadaallada ay wado xukuumadeeda ee ku aadan la tacaalida cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo guulaha laga gaaray.

“Waxaa dhammaantiin wada og-tihiin halka uu marayo caafimaadka dalkeena iyo guulaha la gaaray caqabado jira oo ay ugu weyntahay saamaynta uu dalka ku yeeshay xanuunka Covid19 oo wax badan oo qorshaysnaa caafimaadka in aan la wada gaarin. Waxaan ka rajaynayaa in natiijo wanagsan ka soo baxo sidoo kalena la iskula qaato sidii loo sii hormarin laha caafimaadka dalkeena oo inagu masuuliyaddooda aan hayno.”

Shirkii hore ee wada-tashiga caafimaadka ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyada oo sanad kastaa diirada lagu saaro arimaha caafimaadka.

The post Shir u dhexeeya DF & dowlad goboleedyada oo furmay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this