Sign in to follow this  
Deeq A.

Gantaal uu haysto Dalka Shiinuhu oo cabsi geliyey Maraykanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Gantaal uu haysto Dalka Shiinuhu oo cabsi geliyey Maraykanka?

.
 

Mareykanka ayaa sheegay in kordhinta keydka hubka Nukliyeerka ee Shiinaha ay tahay arrin walaac leh ayna tahay in Maraykanku kala hadlo Shiinaha sida wax u socdaan.

Isagoo la hadlayey suxufiyiinta, afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in “loo baahan yahay in Shiinaha uu la hadlo Mareykanka si xal rasmi ah looga gaadho isku dheelitirka hubka.”

Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa Mareykanka ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in Shiinaha uu dhisayo in ka badan boqol kayd oo lagu magacaabo silos kuwaas oo ah nooc hub oo casri ah oo gantaalahooda lagu keydiyo dhulka lama degaanka ah ee gobolka galbeedka.

Ned Price wuxuu sheegay inay ku adkaatay Shiinaha inuu qariyo hubkiisa sida laga soo xigtay Global Times, silos waxaa badanaa laga isticmaalaa Shiinaha si loogu xareeyo gantaalaha qaaradaha isaga kala goosha. Gantaaladan ayaa daboolaya masaafo dheer iyagoo soo saara tamar badan. Waana hub culus oo nukliyeer ah.

Gantaalaha lagu xareeyo silos si fudud ayaa loo hagaajin karaa loona dayactiri karaa isla markaana si fudud ayaa loo isticmaali karaa markii loo baahdo in la rido.

Warbixinta Washington Post ayaa sheeganeysa in Shiinuhu uu dhisayo 119, silos oo goobaha kaydka hubka oo ku yaalla lamadegaanka ku dhow magaalada Yumen ee gobolka Ganzhou

Waxaa lagu sheegay warbixinta in Shiinuhu uu dhisayo in ka badan boqol silos oo gantaalo ah haddii intaas la dhameystirona waxay noqon doontaa isbadal taariikhi ah oo ku dhacay siyaasada Nukliyeerka Shiinaha.

 

Goobaha kaydka gantaalaha ayaa ah sirta ugu sarreysa wadan kasta. Waxaa jir goobo been abuur ah oo loo sameeyay si loo marin habaabiyo waddamada cadowga. Goobaha ay ku yaallaan gantaallada ee shiinaha ee China-to-air ayaa ah sir qaran oo wadamada dibada ay adag tahay in ay waxbadan ka ogaadaan.

Sida ay sheegayaan wararka Mareykanka ka imanayaa dalkaas ayaa heysta ugu yaraan 450 silos oo gantaalo ah. Kuwaas oo ah gantaalaha nukliyeerka ee muhiimka ah waxa sida oo kale ay leeyihiin (awoodda looga hortagi karo weerar nukliyeer

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this