Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabdho Soomaaliyeed oo ka muraara dillaacsan Quruxlow xabsiga lagu xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabdho Soomaaliyeed oo ka muraara dillaacsan Quruxlow xabsiga lagu xukumay

Cameron

Gabdhaha Soomaaliyeed qaarkood, iyo kuwa kale ee caalamka ayaa baraha bulshada aad uga hadal haya nin dhallinyaro ah oo maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ay ku xukuntay xabsi muddo dheer kaddib markii uu shil gaari dad ku dilay.

Cameron Herrin, oo sanadkii 2018 isaga oo 18 jir ah waday gaariga nooca Ford Mustang ayaa hooyo iyo gabadheeda ku jiirsiiyay gaarigaasi xaafadda Bayshore Boulevard dalka Mareykanka, waxaana Khamiistii lagu xukumay 24 sano oo xabsi ah.

Herrin iyo nin kale oo lagu magacaabo, John Barrineau, ayaa lagu eedeeyay inay tartamayeen markii uu dhacayay shilkaas. Barrineau ayaa sidoo kale wuxuu wajahayaa lix sano oo xabsi ah.

“Dembigan wuxuu galaaftay nolosha labo qof oo qurux badan afar qoysna qalbi jab ayuu ku riday,” Xeer Ilaaliyaha Gobolka Andrew Warren. “Xukunna ma dhayi karo amaba dib uma soo celin karo dadkii dhintay, balse waxaan rajeyneynaa in natiijadan ay xoogaa niyadda u djein doonto qoysaska Jessica iyo Lillia.”

Garsooraha ayaa xukunka ugu riday Herrin inuu yahay qof qaan gaar ah, ee ma aha inuu yahay dmebiile da’ yar ah.

Herrin
Bidix: Cameron Herrin; midig: John Barrineau

Khamiistii, Herrin, qoyskiisa iyo saaxiibadiis ayaa subixii oo dhan waqtigooda ku bixiyay inay ku tilmaamaan qof naxariis badan oo la cafin karo isla markaana aan u qasdin inuu qof dhaawaco. Waxay musiibadii dhacday ku tilmaameen inay ahayd shil xanuun badan.

“Qalbi jab ayay u ahayd isaga iyo qoyskeenna,” ayay tiri Kim Salter, oo eeddo u ah Herrin.

“Saameyntu mar walba way ku soo laalaabaneysaa maskaxdiisa. Weligeed kama guuri doonto madaxiisa,” ayay tiri Cheryl Herrin, oo ah hooyada Cameron.

Maxay gabdhaha Soomaaliyeed ka yiraahdeen xukunka Cameron Herrin?

Gabdho badan oo ka fal celiyay xkunka lagu riday Cameron Herry ayaa sheegay inuu yahay quruxlow aan u qalmin in xabsiga la dhigo, iyadoo qaarkood ay si kaftan leh u sheegeen inay booskiisa ku beddeli lahaayeen 10 wiil oo Soomaali ah. Gabdhaha qaar ayaa ku kaftamay in tani ay jawaab u tahay sida ay dhawaan wiilasha Soomaaliyeed uga daba dhaceen fannaanada reer Sudan Nada Al Qala.

CAMERON

Waxaa jira gabdho kale oo feker kaas ka duwan qaba, sida Khayriya Bintu Siciid, waxay tiri: “Wiil Soomaliyeed ayaan tageera war gabdhaw iska daaya wiilkaas xitaa hadaad jeclayn heli maysaan raggeennii Soomaalida ahaa geesiyaasheenii ba buuxa.”

Hibak Axmed ayaa iyaduna tiri, “Mid aan ogahay oo Soomaali ah kama qurux badna marka laga reebo timaha xataa qoorta dheer iyo hab labiskiisa.”

Qareennadiisa ayaa ku dooday in maskaxda 18 jirka aysan wlei si fiican u korin, sidaas darteedna laga fiirsado xukunka.

Cameron

Qoyska Herrin ayaa sheegay inay iibiyeen gurigooda si ay u helaan lacag ay siiyaan qoyska Reisinger-Raubenolt.

Baarayaasha ayaa sheegaya in Herrin uu gaariga ku waday xawaare dhan 100 mayl saacaddii markii uu jiirayay Jessica iyo gabadheeda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this