Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir Garoowe uga furmay Bahda Caafimaadka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
1-5.jpg?resize=960%2C720&ssl=1

Waxaa maanta Garowe ka furmay shirka wadatashiga wasaaraddaha caafimaadka Dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka iyo wasaaradda caafimaadka Xukuumada federaalka Soomaliya.

 Shirkaan oo ay martigalisay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa socon doona saddexda maalmood ee soo socda waxana dib loogu eegi doonaa waxa ka qabsoomay shirkii ka soo dhacay Muqdisho sanadkii dhamaaday.

Shirkaan waxaa ka soo qaybgalay wasiiradda caafimaadka Puntland,Galmudug, Hiirshabelle,Juballand, Konfurgalbeed iyo wasiirka wasaaradda caafimaadka dawlada Federaalka Soomaliya.

Shirka ayaa furitaankiisa waxaa hadalo ka jeediyay wasiiradda caafimaadka dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka soomaliya, dhamaantoodna waxay muujiyeen ahmiyada uu dalka uleeyahay shirkaan waxayna rajo wanaagsan ka muujiyeen in natiijo wax ku ool ah ka soo baxo maalmaha uu socdo.

PUNTLAND POST

The post Shir Garoowe uga furmay Bahda Caafimaadka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this