Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska degmada Buurtinle oo gacanta ku dhigay sagaarooyin badan oo biraysan

Recommended Posts

Deeq A.   
Ugaar.jpg?resize=623%2C322&ssl=1

Degmada Buurtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal, islamarkaana qiyaastii 119km dhanka Koonfureed kaga beegan caasimadda Garoowe, ayaa lagu soo bandhigay 43 sagaaro iyo hal garanuug ah oo dhammaantood biraysan.

Mas’uuliyiinta degmada ayaa sheegay in goob ku taalla gudaha magaalada laga soo helay ugaartan wada-biraysan, kadib hawlgal Booliisku ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee Buurtinle.

Maamulka degmada Burtinle ayaa tilmaamay in ay qaadayaan tallaabooyin lagu dhimayo ugaarsiga lagu hayo duurjoogta degaankaas.

Ilaa iyo hadda lama sheegin cid loo qabtay arrintan oo hadal-hayn ka dhalisay baraha bulshada.

PUNTLAND POST

The post Booliiska degmada Buurtinle oo gacanta ku dhigay sagaarooyin badan oo biraysan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this