Sign in to follow this  
Deeq A.

Caruur walaalo ah oo ku geeriyootay dab ka kacay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dabka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka kacay xaafadda Laynka Booliska ee magaalada Hargeysa, waxaana ku geeriyooday caruur walaalo ahaa.

Taliska ciidamada dab damiska Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in labo caruur ah ay ku geeriyoodeen dabkaas oo ka kacay gurigooda, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Sidoo kale wuxuu taliska intaasi ku daray inay dhaqsi gudaha u geli waayeen xaafadda uu dabku ka kacay, sababo la xiriira ciriiri ka jiro waddooyinka laga galo xaafaddaasi.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in caruurta ku geeriyotay dabkaasiuu dhalay askari ka tirsan ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana la sheegay in xilliga uu dabku  bilaabanayay uu howlo shaqo ugaga maqnaa guriga ay dagan yihiin caruurta iyo qoyskiisa.

Waxaa sidoo kale goobta gurmad ahaan u tegay mas’uuliyiin uu horkacayey duqa cusub ee magaalada Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo u tacsiyeeyey dhibanayaash.

Haregysa ayaa waxaa ku soo laa-laabta falalka gubashada ah, waxaana xaafado ka tirsan magaaladaasi siyaabo kala duwan uga kaco dab geysta khasaare kala duwan.

The post Caruur walaalo ah oo ku geeriyootay dab ka kacay Hargeysa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this