Sign in to follow this  
Deeq A.

2 Carruur Ah Oo Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Guri Ku Yaalla Magaalada Hargeysa, Wararkii Ugu Dambeeyay + SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Laba carruura ayaa ku nafwayay kadib markii uu dab ka kacay guri ku yaalla xaafada laynka booliiska, ee magaalada Hargaysa.

Guriga dabku qabsaday oo meel cidhiidhi ah ku yaalay darteed ciidanka dab-demiska, ayaa ku guuldaraystay in ay bad baadiyaan carruurta

“Meeshu waa isku raran, meel aanu soo marno ayaanu waynay” taliyaha  ciidanka dab-demiska Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa sidaa yidhi.

Taliye Sawaaxili ayaa sheegay in 2 caruur ahi dabka ku nafwaayeen isla markana la baadhayo sababta dabka dhalisay.

“Khasaaruhu waa laba caruura oo dhintay, sababta dabka keentayna booliiska ayaa baadhaya” ayuu yidhi Sawaaxili.

Carruurta geeriyootay ayaa waxa dhalay askari booliis ah oo xiliga masiibadu dhacaysay hawlgal ku maqnaa.

Mayorka caasimada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in ka dowlad hoose ahaan ay garab istaagayaan qoyska dhibatadu ku dhacday.

“Waanu usoo jeedayna doorkayagana waanu qaadanayna dowlad hoose ahaan” ayuu yidhi mayor Mooge.

“Askariga shaqada qaranka ku maqana qaran kiisu wuu garab istaagaya, waanu la murugoonaynaa” ayuu hadalkiisa ku daray mayor Mooge.

Labada carruura ayaa mayd kooda loo qaaday isbitaalka wayn ee Hargaysa oo lagu hayn doono inta laga aasayo.

  • 202175637610445350510419-1.jpg
  • 202175637610445520143106.jpg
  • 202175637610445676192815.jpg
  • 202175637610445831701983.jpg
  • 202175637610446013990516.jpg
  • 202175637610446192032972.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this