Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Maalmo La La’aa Oo Meydkiisa La Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- North West)-Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrika gaar ahaan kuwa Gobolka North West ayaa xalay helay Meydka nin Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Bootaan Saruurow oo maalmihii lasoo dhaafay lagu la’aa Nolal iyo geeri.

Cabdullaahi Bootaan ayaa waxaa uu kamid ahaa Ganacsatada Soomaali ah ee wada gaadiidka lagu wareejiyo aabbaha Delivery ah, waxaana la waayay saddex maalin kahor oo ay baadi goobayeen Booliska iyo Muwaadiniin kale oo Soomaali ah.

Meydka Marxuum Bootaan ayaa waxaa markii hore soo arkay nin Hindi ah oo gaari watay, isagoona intaas kadib ku wargeliyay Booliska Gobolka North West ee Koonfur Afrika, waxaana goobta lagu arkay laga soo qaaday Meydka Bootaan oo jirkiisa ka muuqdeen rasaas lagu dhuftay oo loo adeegsaday dilkiisa.

“Meydka Walaalkeen waxaa soo sheegay Nin Hindi ah oo gaariga Baakiga ah ee uu watay meel kusoo arkay, markii la dabagalayna Booliska ayaa Meydka heley isagoo Xabado ku yaalaan…. ALLAHA u Naxariisto dabcan gacan ka xaqdaran ayaa nafta u qoonsatay oo ay muuqato in dhac loo gaysanayey” ayuu yidhi Cabdalla oo adeer u ahaa Marxuumka.

Allaha u naxariistee Cabdullaahi ayaa 3-maalmood ee ugu dambeeyay Nolal iyo geeri lagu la’aa, waxaana markii cidi ugu war dambaysay ay aheyd Khamiistii lasoo dhaafay, isagoo xiligaas gaadhi uu Alaabo Delivery ah ku wareejin jiray wata ka baxay Magaalada uu dagan yahay ee Brits, isla markaana kusii jeeday Thabazimbi oo (146,4 km) u jirta Brits.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this