Sign in to follow this  
Deeq A.

“Marka Koox Dhallinyaro Ahi Calanka Qaataan Maxaa Si Gaar Ah Loogu Bartilmaameedsadaa Reer Boorama, Kuwo Reer Hargeysa Ah Ayaa Xilalka Ugu Waaweyn Xamar Ka Haya…” Golaha Guurtida Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland ayaa ka hadlay dhallinyaro dhawaan Magaalada Boorama lagu xidhay, kadib markii ay calanka Somaaliya ku lebisteen.kuwaas oo uu sheegay inay ahayeen arday ka kale yimi Magaalooyinka Hargeysa, Berbera,Laascanood Ceerigaabo iyo Somaliya.

Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay yidhi“Arrin ayaa soo noq-noqda dad dhallinyaro ah ayaa calamo la soo baxa ayaa la leeyahay ,shacabka Hargeysa marka la yidhaah calamo ayaa Boorama lala soo baxay in dareen iyo si khaasa loo dareemayo ayaad mooddaa oo looga damqanaayo,.”

Dhanka kalena Xildhibaan Xareed ayaa sheegay in siyaasiyiinta reer Hargeysa ee xilalka ka haya Xamar aan cid soo haddal qaadin,balse si gaar ah loo soo haddal qaado Wasiir Bayle oo Boorama ka soo jeeda   “Nin jooga Somaliland oo xamar deganayni ma jiro,Raysal Wasaare ku-xigeen ayaa jira oo waa reer Hargeysa,Guddoomiyaha aqalka Sare xukumaa waa reer Hargeysa waxa markaa dadka qaar uun damqashadu ay uga imanaysaa maan garan.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxa kuwa halkaa jooga ee ka derajada sareeya loo arki waayey ee looga damqan waayey ee Bayle ayaa daarro halkan ka jeexday loo odhanayo ma garan,waxa kaga duwan yahay kuwaas,waxaan leeyahay dib ha la iskugu noqdo.”

Geesta kalena Xildhibaan Xareed  ayaa sheegay inu guryaha Wasiir Bayle ka dhisday Hargeysa ay lamid yihiin kuwa qurbajootu ay ka dhisteen Hargeysa “Wasiirka Maaliyadda Somaaliya waana reer Boorama  aqalo ayuu halkan ku leeyahay Hargeysa,waxa uu lamid yahay kuwa ingiriiska ka yimaada ee aqalada ku leh Hargeysa,nin wasiir ah oo ku eedaynaya oo leh Bayle waxa uu ku leeyahayaqalo Hrageysa waan maqlayey, wuxuu kuwaa ingiriiska iyo debadaha ka soo shaqaysanaya kaga duwan yahay garan maayo,maali dhaweyd waxa la sheegay wiil uu dhallay oo la xidhay.”

Xildhibaan Xareed  ayaa sheegay in dhallinyaradii calanka Somaliya ku labisatay ee Boorama lagu xidhay inay ahayeen arday “Kuwa Boorama la leeyahay calamo ayey la soo baxeen waxa ku jira reer Hargeysa, reer Ceerigaabo,reer Berbera, reer Laascanood iyo qaar Somaaliya ah, waxaa kuwa dhigtay Jaamacaddaha ku yaal Boorama .”ayuu sheegay

Ugu Dambeyn Xildhibaan Xareed ayaa sheegay in Somaliland loo siman yahay,waxaanu sheegay in calanka iyo heestiisaba ay samaayeen reer Boorama,isagoo soo jeediyey in la iska daayo hoosta la isku eegayo “Waxaan leeyahay Somaliland waa loo siman yahay,dadka la sheegayo ee la leeyahay calamo ayey la soo baxaan calanka Qaranka Somaliland kuwii sameeyey waa reer Boorama,heesta calanka waxa sameeyey reer Boorama,aasaaskii Dawlad-nimo halkuu ka saldhigay reer Boorama ayaa sameeyey.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this