Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen horjooge ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliska ayaa sheegay in hawlgalka oo ka dhacay degaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabeellada dhexe lagu dilay Horjooge Maxamed Cabdi Suubiye oo magaciisa af-garashadu yahay (Toosoow).

Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas uu ku fulay sidii loo qorsheeyay islamarkaana horjooge Toosoow lagu khaarajiyay.

Gen. Odowaa ma sheegin xilka Horjooge Toosoow u hayay ururka Al-shabaab balse keliya wuxu xaqiijiyay in hawlgal qorshaysan lagu dilay.

PUNTLAND POST

The post Milatariga Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen horjooge ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this