Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS iyo Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay meel u dhow Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1625398826655.jpg?resize=720%2C48

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ka howlgala gobollada dhexe ayaa sheegay in ay dileen 19 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga qeybta 21-aad ayaa sheegay in ay xubnahan ku dileen dagaal saaka ka dhacay inta u-dhaxeysa Tuula-xaayow iyo Ceel-dheere oo dhanka Koofur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Saraakiisha ciidamada ayaa tilmaamay in xubnaha ay dileen ay qorsheynayeen in ay miinooyin ku aasaan wadad isku xirta Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxayna xaqiijiyeen in dhankooda uu dagaalka kaga dhintay hal askari.

Sidoo kale waxay xaqiijiyeen in dagaalkaas uu ku dhintay hal qof oo ka tirsan dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay in ay weerar dhabaggal ah u dhigeen ciidamo ku socdaalayay wadada xiriirisa Guriceel iyo Dhuusamareeb, ayna dileen 8 askri oo ku jiro sarkaal lagu magacaabo Cabdulle Madax Yareey.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dhowr deegaan oo ka tirsan Galmudug ay dagaalo ku dhexmareen ciidamada dowladda federaalka iyo Al-shabaab, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

PUNTLAND POST

The post DFS iyo Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay meel u dhow Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this