Deeq A. Posted July 4, 2021 Golaha Guurtida oo Cod Gacan taag ah ku Aqbalay mudane u soo Gudbiyay warqadii Iscasilaada. Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa cod gacan taag ah ku aqbalay warqadii iscasilaada xildhibaan C/rashiid Xaashi Cabdi Shiil oo dhawaan maxkamada sare ee Somaliland u dhaarisay xilka iyo xubinimada golaha guurtida, kaas oo soo galay booskii ALLE haw naxariiste walaalkii Marxuun Axmed Xaashi Cabdi Shiil.Mudanuhu waxa uu sheegay in uu xilkan u banneeyay sababo isaga u gaar ah. Golaha ayaa cod gacan taag ah ku aqbalay iscasilada xildhibaan Cabdirashiid.Ku darsoo Taariikhda Golaha Guurtida waa xildhibaabkii labaad ee iska casila Golahaas. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites