Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhada TPLF Oo Magaalada Makelle Kusoo Bandhigtay Kumanaan Maxaabiis Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mekelle)-Magaalada Makelle ee Caasimada gobolka Tigray waxaa lagu soo bandhigay kumanaan mabaaxiis oo ka tirsan ciidammada Millatariga dowladda Itoobiya, kuwaas oo la sheegay in lagu qabtay dagaaladii u dhaxeeyay TPLF iyo Millatariga dalka Itoobiya.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee caasimada Makelle ee lagu soo badhigaayay maxaabiistan.

Maxaabiista qaar ayaa waxaa ka muuqday jidhkooda dhaawacyo kala duwan, waxaana la arkaayay qaarkood oo wajiyada hoos u fooraarinaayay iyaga oo hoos eegayay xiliga lasoo bandhigaayay.

Soo bandhigista maxaabiistan ayaa imaaneysa xili magaalo madaxda gobolka Tigray ay dhawaan dib ula wareegeen dagaalamayaasha TPLF, waxaana xusid mudan in dagaalo aad u qaraaraa oo gobolkaasi ku dhexmaray militariga dalka Itoobiya iyo Jabhada TPLF inuu sababay barakaca ku dhawaad 2 Milyan oo ruux oo ku noola gobolka Tigray.

Qabsashada markale TPLF gacantooda ugu soo laabatay caasimada Makelle ayaa muujisay awoodo ciidan ee dagaalka Jabhada TPLF kula jirto dowlada itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this