Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka DF & Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Dhuusamareeb +Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada Xoogga dalka iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dagaallkaasi uu xoogiisa uu ka dhacay dhanka koonfureed ee duleedka magaalada Dhuusamareeb oo caasimad u ah Galmudug, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo qaatay, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in dagaalka u ka dhashay, kadib markii ciidamada dowladda oo howl-gallo waday ay gudaha u galeen deegaanada  Tuula-xaadow & Cabdi Haaray, halkaas oo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu geystay khasaare  dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, walow aan la ogeyn inta uu la’egyahay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay dagaal ku qaadeen deegaanadaasi, xilli ay isku uruursanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fuliyo halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay dagaalkaasi ku dileen ugu yaraan 15 ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, ayna sidoo kale kasoo furteen hub badan, sida ay hadalka u dhigeen.

Wararkii ugu dambeeyey waxay haatan sheegayaan in xaaladda duleedka Dhuusamareeb ay aad u kacsan tahay, iyada oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gobollada Galgaduud iyo Mudug ka socday guluf ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shababa oo weli ku xoogan deegaano ka tirsan gobolladaasi.

212315459_937515273474024_41476507163113 213163302_937515183474033_42307595482076 211271933_937515186807366_80140974950807 211561057_937515243474027_23503983270439 211830424_937515166807368_54780283512336

The post Ciidanka DF & Shabaab oo ku dagaalamay duleedka Dhuusamareeb +Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this