Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Puntland oo simay awoodahah xilka qaadis madaxda sare

Recommended Posts

Deeq A.   
3-2.jpg?resize=1000%2C631&ssl=1

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta meelmariyay talo uu hory u soo jeediyay guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaaday Cabdixakiin Dhoobo Daareed, oo ahayd in simo awoodaha madaxda sare ee Puntland.

Golaha ayaa u codeeyay in guddoonka Baarlamaanka ay ridi karaan saddex milood labo meelood (2/3) tirada xubnaha Golaha, halkii ay horay u ahayd kala bar iyo hal (1/2+1 ) tirada Golaha.

34 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa ogolaaday qaraarkan, waxaana diiday10 mudane, halka ay ka aamuseen 4 mdane.

Qaraarkan ayaa sidoo kale dhigaya in eedeynta guddoonka Golaha ay ogolaadaan ugu yaraan kala bar iyo hal (1/2+1 ) tirada Golaha

Intii Puntland jirtay ayaa xilka laga xayuubiyay dhowr guddoomiye Baarlamaanka, waxaana ugu dambeeyay Dhoobo Daareed.

PUNTLAND POST

The post Baarlamaanka Puntland oo simay awoodahah xilka qaadis madaxda sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this