Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaalamay Deeganno Hoostaga Gobalka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo magaalada dhuusamareeb ayaa sheegaya in saaka uu dagaal u dhaxeeya ciidamada dowaldda iyo ururka al-shabaab uu ku dhex maray deegaan hoostaga magaalada dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii ay xubna ka tirsan al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen deeganada Tuula-xaayow iyo Cabdi-haaraay oo u dhaxeeya magaalada Dhuusamareeb iyo degmada ceeldheere.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, xilli ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug ay guullo hordhac ah ay ka sheegteen dagaalka .

Wixii ku soo kordha warkaan kala soco Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this