Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in xalay halkaas uu ka dhacay iska hor-imaad u dhexeeya ciidanka Hirshabeelle iyo malayshiyaadka uu hoggaamiyo Gen. Xuud oo mucaaradsan maamulkaas.

Gudaha magaalada ayaa gelinkii dambe ee xalay laga maqlay dhawaqa rasaas xooggan oo laba dhinac ka dhacaysa, taas oo ay is weydaarsanayeen ciidanka dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo malayshiyaadka Gen Xuud.

Goobjoogayaal ku sugan Beledweyne, ayaa laga soo xigtay in dhawaqa rasaasta labada dhinac is weydaarsanayeen laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada islamarkaana dadweynuhu hurdada kaga salaleen.

Weli ma jirto faahfaahin laga helay khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka, waxaase wararka qaar sheegayaan in uu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac kaas oo aan si dhab ah loo ogayn baaxaddiisa.

PUNTLAND POST

The post Iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this