Sign in to follow this  
Deeq A.

Arday garaacay macallinkooda kaddib markii uu kula taliyay inaysan digsiyada wax ku cunin

Recommended Posts

Deeq A.   

Arday garaacay macallinkooda kaddib markii uu kula taliyay inaysan digsiyada wax ku cunin

Macallin

Macallin wax ka dhiga dugsiga sare ee Oldonyiro ee Waqooyiga Isiolo, dalka Kenya ayaa ka codsaday Guddiga Macallimiinta Kenya (TSC) inay iskuul kale u wareejiyaan kaddib markii la sheegay in ardaydiisa ay u hanjabeen.

Pius Mugambi, oo dhiga maaddooyinka Fiisigiska iyo Kimistariga, ayaa Arbacadii 30-kii June waxaa soo weeraray arday badan oo wiilal ah kaddib markii uu ku amray inay joojiyaan inay wax ku cunaan digsiyada.

Mugambi, oo 35 jir ah oo xilligaas shaqo ku jiray, ayaa sheegay in xilligii qadada uu tegay hoolka lagu cunteeyo isla markaana uu ku arkay ugu yaraan toban arday ah oo wax ku cunaya digsi.

“Waxaan ka codsaday inay wax ku cunaan saxamada oo aysan digsiga wax ku cunin. Waxay bilaabeen inay igu qeyliyaan, iyadoo qaarkood ay weerar igu soo qaadeen,” ayuu yiri.

“Ardaydu waxay yiraahdeen: ‘waxaynu nahay rag gudan, naguma qasbi kartid inaan wax ku cunno saxamada sidii aad u amri lahayd ilmo yar’. Kaddib aad ayay ii garaaceen,” ayuu yiri Mugambi.

Ardayda ayaa la sheegay inay goobta ka carareen kaddib markii ay arkeen macallimiin badan oo ku soo baxay.

Wiilasha ardayda ah ayaa la sheegay in dhowaan la guday, taasoo qeyb ka ah caado-dhaqameedka bulshadooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this