Deeq A. Posted July 4, 2021 Italy vs Spain – England vs Denmark Tartankii 16-aad ee horyaalnimada Yurub (Euro 2020) wuxuu billowday 11-kii Juun iyadoo lagu ciyaaray 11 magaalo oo waaweyn oo Yurub ah, markii ugu horreysay taariikhda 63-sano ka dib. Tartankan oo qorshuhu ahaa in la qabto sanadkii hore ayaa u baaqday Coronavirus, wuxuuna hadda wataa magacii hore ee Euro 2020. Spain, Italy, Denmark iyo England ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka (semi-final-ka) oo lagu qaban doono garoonka Wembley ee magaalada London. Spain ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee u soo baxda semi-finalka Euro 2020 jimcihii, markii ay riigoorayaal 3-1 uga adkaatay Switzerlan, ciyaar waqtigeedii iyo midkii dheeriga ahaaba ku dhammaatay 1-1, waxaana maalintaas ku soo biiray Italy oo oo 2-1 ugu awood sheegatay Belgium. Dhanka kale xulka Denmark ayaa sabtidii 2-1 uga badiyay Czech Republic, halka England ay 4:0 ku dardartay xulka Ukraine. Xulka Italy ayaa wajahaya ciyaarta afar dhamaadka dhigooda Spain maalinta Talaadada 6 July, halka England ay la ciyaarayso Denmark Arbacada 7-da July 2021. Labada xul ee u soo baxa kama dambaysta (final-ka) tartankan ayaa ciyaari doona Axada 11 July, 2021. PUNTLAND POST The post Xagee marayaa tartanka Euro 2020? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites