Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Baay ee Maamulkaas.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay loogu magacaabay in uu noqdo Cumar Isaaq Balsh, isagoo bedelaya Guddoomiyihii ee Gobolkaas Cali Wardheere Cabdiraxmaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa laamaha amniga Gobolka faray inay la shaqeeyaan Guddoomiye Cumar Isaaq Balsh, isagoona Guddoomiyaha ka dalbaday inuu si toos ah u guto wajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay uu Madaxweyne Lafta-gareen latashi kala sameeyay Wasiirka Arrimaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Baay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this