Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadh Soomaali Ah Oo Ku Tartamaysa Feedhka Ciyaaraha Olombikada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Japan)-Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali ayaa markii ugu horreysay ka qeybgalaysa tartanka ciyaaraha Olombikada iyadoo u tartamaysa tartanka feedhka.

Gabadhan Soomaali Ramli Cali ayaa maanta ku shaacisay Twitter-ka inay u soo baxday Ciyaaraha.

Waa haweeneydii ugu horreysay ee abid Soomaali ah oo si xirfadaysan feedhka u soo gudubto iyadoo leh rikoodh 3-0 ah.

Tartanka Olombikada sanadkan oo dhowaan ka furmaya dalka Japan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalaysa Munira Warsame oo meteleysa qaranka Soomaaliya iyagoo ku tartamaysa Taekwondo.

Ramlo Cali ayaa ku nool dalka Ingiriiska waxana ay hore ugu guuleysatay tartano badan oo ka dhacay gudaha dalka Ingiriiska iyo dalal kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this