Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadaasi ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow, waxaana xigay dagaal culus oo foolka fool ah, kaas oo u dhex-maray labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla-markaana ay soo wajahday cabsi xoog-leh.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba, maadaama goobta la weeraray ay tahay xero, ayna adag tahay in xog laga helo.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab iyo saraakiisha ciidanka AMISOM oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa sidoo kale haatan aad u kacsan, waxaana deegaanka lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Kenya oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta.

The post Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Kenya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this