Deeq A. Posted July 2, 2021 Wararkii ugu dambeeyay oo laga helayo qaraxa Muqdisho ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ku dhinteen, tiro intaas ka badana ku dhaawacmeen. Qaraxa oo ahaa ismiidaamin uu fuliyay qof walxaha qaraxa isku soo xiray ayaa ka dhacay maqaaxi ku taala degmadda Shibis ee gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay qaraxa, wuxuuna bayaan uu soo saaray ku yiri “Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Alshabaab galabta ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan”. “Falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada” ayuu sii raaciyay bayaanka. Laamaha ammaanka ayaaa weli faahfaahin rasmi ah ka bixin qaraxa galabta ka dhacay magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay qaraxa Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites