Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Sheekh Mukhtaar Roobow oo cunada ka soomay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan oo ay ku jiraan ehellada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Masnuur ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in maalintii 2-aad uu maanta cuntada ka sooman yahay Abuu Mansuur oo muddo saddex sano ah u xiran dowladda Soomaaliya.

Dadka aan la hadalnay oo ah qaraabada Abuu Mansuur ayaa sheegay in shalay subax ilaa caawa uu diiday in uu furo qolkiisa oo dhaxda uga xiran, waxaana soo baxaya warar kala duwan oo ku aadan caafimaadkiisa.

Yuusuf Xasan Mursal oo qaraabo la ah Abuu Mansuur, sidoo kalane ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga Amniga iyo Cadaalada ee uu hogaamiye ka yahay Sheekh Mukhtaar ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan NISA oo la socda xaaladda Abuu-Mansuur ay ku soo wargeliyeen in maalintii 2-aad uu raashinka ka sooman yahay.

“Waxaa naloo xaqiijiyay in Sheekh Mukhtaar shalay ilaa caawa aan idinla hadlayo uu diiday in uu furo qolkiisa si raashin loogu geeyo mana ogin sababta waxaana sidoo kale la ogeyn caafimaadkiisa,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal.

“Haddii ay dhibaato soo gaarto Abuu Mansuur waxaa masuul ka ah Farmaajo waxaana ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqayaa in xaaladda Sheekha la socdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Yuusuf Xasan Mursal.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo Baydhabo laga soo xiray daba-yaaqadii sanadkii 2018-kii ayaa sidaan oo kale dhowr jeed ka soomaya cuntada, waxaana mas’uuliyiinta uu ka soo jeedo iyo maamulka Koonfur Galbeed lagu eedeeyaa in aysan xil iska saarin sidii uu cadaalad ku heli lahaa Abuu Mansuur.

Hoos ka dhageyso codka Yuusuf Xasan.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/07/Yuusuf-Xasan-Mursal-.mp3

The post Dhageyso: Sheekh Mukhtaar Roobow oo cunada ka soomay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this