Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhaweyd ka dhacay maqaayad lagu shaaho oo ku taala degmadda Shibis ee gobalka Banaadir.

Qaraxa waxaa fuliyay qof isku soo xiray walxaha qaraxa waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli tiro sugan la ogayn.

Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo gaaray goobka qaraxu ka dhacay ayaa xiray wadooyinka soo gala, waxayna halkaas ka wadaan gurmad iyo baaritaan.

Wixii ku soo kordha qaraxa Muqdisho, halkan ayaad kala socon doontaan.

PUNTLAND POST

The post Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this