Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Dirir oo ka hadlay Dariiqa Islaamku ku daweeyo Faqriga, si ummadu u badbaado. …

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa-Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada iyo madaxda islaamka ugu baaqay in loo sahlo dadka fuqarada sidii ay u shaqeysan lahaayeen, isla markaana laga maarmo dadka shisheeyaha ee doonaya in lagu tiirsanaado.

khudbadii jimcaha maanta oo Sheekh Dirir kaga hadlay dariiqooyinka lagu daweeyo faqriga ayaa sheegay in islaamku hanaan gaar ah u daaweeyey faqriga, isla markaana dadku aragtiyo kala duwan ka qabaan faqriga, qaarkood ayaa wanaag iyo kheyr u arka waa qolyaha kaniisada, qolyo kale gaalada iyaga ilaashada faqriga oo dadka ay doonayaan ayey hub ahaan ugu adeegsadaan, laakiin Islaamku wuu la dagaalamay faqriya.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in hadii qofka ama umadu fuqaro noqoto, diintiisa iyo gobanimadiisaba inuu duunyo ku iibsado ayaa laga yaabaa? Markaa caqiidadii iyo wax walba way ka khalkhali karaan, oo qof iimaan weyn ayaa u adkaysan kara faqriga.

Islaamku waxuu u tixgeliyey balaayo faqriga, Nebiguna CSW Ilaahay SW ayuu ka nabadgalay, waxuuna ku duceysan jiray “Ilaahow waxaan kaa nabadgalay faqriga iyo gaalnimada”

Dariiqooyinka Islaamku kula dagaalamo faqriga waxa ka mid ah la raaco nidaamka dhaqaale islaam ee dhexdhexaadka ah, oo qofka u ilaaliya lahaanshahiisa gaar ka ah, isla markaana faraya inuu islaamka qeybtiisa siiyo, waa nidaam u dhexeeya ka hanti-wadaaga iyo hanti-goosadka.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in dariiqooyinka islaamku kula dagaalamo faqriga ka mid tahay inuu dadka ku qanciyo in maalka Ilaahay SW leeyahay, adoomadana Ilaahay SW leeyahay, ka leh iyo ka la siinayo, sida Ilaahay SW quraanaka innoogu sheegay aayadahan, “Wax ka bixiya, waxii Ilaahay SW idin siiyey,’ Xoolahu Ilaahay SW idin siiyey wax ka bixiya.’ Daarta aakhiro iyo jannada ku raadso, waxii Ilaahay SW ku siiyey.’

Islaamku waxuu kula dagaalamay faqriga in maalka Ilaahay SW inoogu deeqay aynu ilaashano, oo laga ilaaliyo in balwad, boolitiik, tumasho iyo xaaraan lagu isticmaalo, sida Ilaahay SW inooga digay, sheydaan ayuu qofku la walaal noqonayaa haduu meel xaaraan ah ku bixiyo. Sidoo kale in qofku waxii soo gala uu qufusho waa la diiday, sida Ilaahay SW inooga digay, qofkii ku bixin waaya maalkiisa waajibkii Ilaahay SW faray, inay naar hoygooda tahay.

Islaamku waxuu ku daweeyaa faqriga laga cabanayo talaabooyin ay ka mid tahay in la wacyigeliyo qofka faqiirka ah loona sheego inaanu ahayn wax uu la dhashay oo la walaalo ah, laakiin, xalku qofka gacantiisa ayuu ku jiro, siduu Nebigu CSW kula dardaarmi jiray saxaabadiisa, ‘midkiin inuu halkan fadhiyo, waxaa uga wanaagsan inuu xaabo soo gurto, oo suuqa ka iibiyo, waxay uga fiican tahay inuu ummada baryo oo shaxaado.’ Ilaahay SW ayaa quraanka inoogu sheegay “Qofwalba waxuu camal sameeyey ayuu derajadeeda leeyahay diin iyo duunyo-ba” bishaaro kale Ilaahay SW wuu inna siiyey “Culays kasta fudeyd ayaa ka dambeeya.”

Siyaabaha islaamku u daweeyo faqriga waxa ka mid ah in loo sahlo dadka fuqarada sidii ay wax u qabsan lahaayeen, maalka wax laga siiyo ama la amaahiyo iyo tababarka ay ku shaqeyn lahaayeen dadku.

Madaxda islaamka iyo bulshada laba arrimood ayaa la doonayaa inay u dhaqaaqaan oo ah in loo sahlo dadka fuqarada sidii ay u shaqeysan lahaayeen, iyo in laga maarmo dadka kale doonaya in lagu tiirsanaado.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in taariikhdii Nebiga CSW iyo saxaabadii casharo badan laga qaadan karo, sida hijradii, saxaabo badan ayaa ka tegay dalkoodii, dadkoodii iyo hantidoodii Maka, oo Madiina tegay, mushkiladaha aduunyada ugu daran qaxootiyada ayaa ka mid ah oo aad looga cawdo, dawlado badan ka qeylinayaan, Nebigu CSW si fudud ayuu u xaliyey. Dadkii deegaanka ahaa iyo dadkii qaxootiga ayuu isku mataaneeyey, laakiin qoladii reer Maka meel iskama fadhiisane, shaqadii beeraha ayey dhinacooda la qabteen, xoolaha reer Madiina ayaa lahaa, laakiin waxii ka soo baxa waa la qeybsanayey. Qofka shaqeysanaya waa nin jihaad ku jira si uu cadowga faqriga uga badbaado.

Bulshada Carabtu xikmado badan ayey lahaayeen sida innaguba xikmado u leenahay oo dhiirinaya wax soo saarka iyo in dadku isku filnaadaan, xikmadahaa waxa ka mid ah “Qofka miskiinka kaluun ha siin, laakiin bar sida loo kaluumaysto, uu u shaqeysan lahaa.”

Hay’ado badan ayaa ku dedaala in dadka raashin loo keeno, loo kariyo, dabadeedna safaf u galaan u qeybintooda, dadka aragtida gaaban way amaanayaan hananka, laakiin waa lugooyo, dadkaasi marka ay meel gaadhaan ayaa laga jarayaa, waa kuwaa gaajo u dhintay. Markaa waxa loo baahan yahay in hay’adaha hawlaha wada la yidhaahdo, mashaariic dadku ka shaqeystaan oo anfaca noo keena. Dadka sida u fekeraya gaaladu ma jecla, oo waxay yidhaahdaan way naga maarmayaan.

Nebigu NNKH waxuu innagu dhiirinayaa inaynaan xawayaanka Ilaahay SW abuuray iyo shimbiraha aynaan ka liidan, siduu xadiis inoogu sheegay “Haddaad Ilaahay SW talo saarashada dhabta ah talo saaran lahaydeen, waxuu idiin arsaaqi lahaa, siduu shimbiraha u irsaaqo.” Haduu qofku tacab sameeyo, Ilaahay SW talo saarto, sida shimbiraha ayuu idiin irsaaqi lahaa, intay aroortii kalahaan iyagoo gaajaysan ayey casarkii soo noqdaan iyagoo dheregsan. Shimbirtaasi Ilaahay SW ayey talo saaratay keliya maaha, balse way kalahaysaa, ummadeeniina way fadhfadhidaa, shaqaa la la’yahay, waa balwadlayaal.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in wadiiqooyinka islaamku kula dagaalamo faqriga ay ka mid tahay iyadoo qofka faqiirka la faray inuu dadka culayska ka daayo, oo shaqeysto, qofkii maalqabeenka waxa la faray inaanu garaacasho keliya lahaan ee garasho ku daro.

Waxa ka mid ah in islaamku badiyey meel badan oo waajibaad ah oo hantida lagu bixiyo, qaar sunne yihiin wax bixintu, inta kalena waajib tahay, sida:

Sakadii xoolaha, kafaaradii dhaarta, kafaaradii nadarka, kafaara-gudkii dilka, tii, soomka, waajibkii xajka, walqashii, sakaatul-fidridii, Udxiyada, biilkii dadka qaraabada, dhaxalkii la qeysanayey, sadaqadii, iyo kuwo kale, ayuu islaamku jideeyey in khasnada lagu soo shubo, dadka foqorada ahna loo qeybiyo.

Arrinka u dambeeya ee islaamku kula dagaalamo faqriga waxa la mid ah in xalaasha lagu dedaalo, oo dadka amaanada ummada haya ku dedaalaan, inuu qofku xaaraan badan uruuriyo barako kuma jirto.


Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this