Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Maxmed Mursal hadday madax yihiin yaa dalka cadow u ah?!

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaade & Qarshe sow ma aha golaha fullinta iyo golaha shacabka?!

Afartii sano ee uu madax-weynaha ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, dalka wuxuu galay khatar aad u weyn, wuxuuna ku dhowaaday inuu u gacan galo  Itoobiya cadowga soo jireenka ah ee dadka Soomaaliyeed, waxaana nasiib darrada ugu weyn ee dalka soo wajahday ay ahayd  dhallin-yarradii dalka oo kaalintoodii gabay!  DHallin-yarradii dalka oo mas’uuliyaddii dalka ka saaraneyd hadday tahay horu marin, ammaan, difaac, iyo xag ilaalinba, (oo ah inay arkaan khataraha dalka soo wajahay ka hor inta aysan dhicin ayna ka hor tagaan) oo noqday kuwa loo adeegsaday dacaayadda khayaanada qaranka oo waliba ah tii ugu weyneed qarniga 21aad ka dhacda dal xor ah oo maanta u dabbaal degay 61 guurradii dowladnimmadiisa. KHayaannada oo ay si wada jir ah u galeen madax-weynihii la doortay; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihiisii Xasan Cali KHeyre iyo xukuumaddiisii, Af-hayeenkii golaha shacabka Maxamed Mursal SH. Cabdi-Raxmaan iyo  golihiisii shacabka (Baarlamaankii 10aad) arrinta yaabka leh waxay ahayd in dowladdii dhamayd si wadar ah loogu eedeyn karo dhagarta iyo khayaanada qaran ee laga galay qaranimmada ummadda Soomaaliyeed, marka laga reebo in yar …Waxaa arrin laga xummaado ah in dhallin-yardii dalk aysan  dareemin khayaannada iyo dhagarta uu ninkii loo doortay madax-weynaha kula kacay qaranka Soomaaliyeed!

Wanted-2.jpg?resize=598%2C449&ssl=1

KHayaannada ay galeen Farmaajo iyo baarlamaanka tobanaad waa mid wali socota, waa mid aan wali dhamaan, waxaadna ka garan karaysaa in mas’uul kasta oo Itoobiyaan ah marka uu hadlo ku celcelinayo “Deked la’aan Itoobiya ma ahaan karto! Afar dekedood oo Soomaaliya ku yaal baa Itoobiya maal gashanaysaa!”  waxaas oo dhan waxaan ka maqalnay oo golayaasha dowladdiisa ugu faanay Colnel Abiy Axmed, oo sida uu sheegayo heshiis kula galay dowladda Soomaaliyeed, laakiin ninka heshiisyadaas galay oo ah Farmaajo mar keliya kama hadlin nooca heshiisyada uu la galay ninka madaxda ka ah dalka wali colaadda innaga dhexeyso, waxaa iyagana aan waxba ka weyddiin si ula kac ahna indhaha uga fiirsanayay/fiirsanaya dhagartaas golayaashii dowladda oo dhan haba ugu darnaadaan Xil-DHibaannadii aan ummad ahaan wakiilanay hal xubin oo ka mid ah aysan soo hadal qaadin xiriirka ka dhexeeya Farmaajo iyo Abiy Axmed oo sida muuqata noqday xiriir uu Farmaajo si shakhsi ah ugu adeeganayay!… aamusnaanta shacabkase maxaad ku macnayn?!… Marar badan waxaan la yaabayay waaliddiinta u bannaan baxaya ilmahoodii Eritrea taba-barka loo geeyay oo Itoobiya u adeegsatay dagaalkii gobolka Tigray! SHacab hurdda oo wakiilladiisii ay khayaaneen!…shacab iyaga oo dhan cadowgoodii loo hibeeyay oo haddana bannaan baxay isuna haysta shacab xuquuqdaas leh!… Xabbaddii Alle ayaa cirka ka soo dhacday oo aan ku badbaadnay, ee haddii uusan dagaalka Tigray dhaceen maxaa dhici lahaa?!… yaad ku bannaan baxaysaan oo cabashadiina ay dhibaysaa?!… ma Farmaajo, mase Itoobiya, mase Eritrea, mase Maxamed Mursal Mase KHeyre?!…wuxuba waa mid!

Qolabaa1.jpg?resize=364%2C441&ssl=1

Waxaan la yaabanayn xishood darrida, diin yaraanta, iyo xil-kasnimo yarrida inta badan siyaasiyinta ummaddan ay dhaqanka ka dhigatay; xatooyada xoolihii ummadda, beenta, laaluush qaadashada, isku dirka ummadda!… SHow tuugnimmadii, dhicii, laaluush qaadashadii waxay ahaayeen i qarso!…Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin! Waxaa yimid madax-weyne isaga, ra’iisal wasaarihiisii (Xasan Cali KHeyre) iyo baarlamaankii dhammaa oo uu u horeeyo guddomiyihii Maxamed Mursal (marka laga reebo in yar) aysan wax mas’uuliyad ah dhibayn, inay dad iyo dal dhan xilkoodii dhabarka u riteenna aan ogeyn! Iyaga isu heesaya! Aqalkii golaha shacabka haybaddii ka qaaday oo qaawiyay!… Malaha dal jacaylkuna ka maranyahay ama ku yaryahay, waxaana isla markiiba soo baxay oo la wada garowsaday in ammaannadii qaranka ay gacan khalad ah ku dhacday!… kaaga daranee qaranimmadii Soomaaliyeedna ku wareejiyay cadowga kowaad ee laga ilaalinayay ee Itoobiya!…

61 sano oo dowladnimo ah ka dib dhallin-yaro  hurudda iyo dowlad dhan oo KHaa’in Al-Wadhan ah!

Arrintu meel adag bay gashay, Yaa?! Oo waxaa bilowday dhaqan siyaasadeed ugub ah ama cusub oo khatar ah! KHatar!..KHatar!… lacagtii Qatar waxay walaalaysay oo dan wadaag ay iyadu ku shaqaysato  ka dhigtay golayaashii dowladda!… waxay ina  gaarsiisay in ninkii madax-weyne noqda uu xataa hamiyo dalka iyo dadka inuu siduu doono ka yeeli karo!Midowga Immaaradaha Carrabta dekeddii Berbera qayb ahaan Itoobiya bay ku wareejisay!…mida qosolka ah waxay tahay inaysan dad badan ogeyn ama rumaysanayn in arrintaas oggolaanshaheeda  Farmaajo bixiyay markii ay isaga iyo Muuse Biixi Cabdi madax-weynaha maamul goboleedka Somaliland ay isugu yimaadeen shirkii Midowga Afrika bishii February 2020kii markaasoo uu Colnel Abiy Axmed oggoleysiiyay Farmaajo inuu saxiixo heshiiska ballaarinta dekedda Berbera iyo saamiga Itoobiya ee 19% ah!…KHaa’in Al-Wadhan!…Waa nidaam siyaasadeed oo ay fahmeen dalalka duulaanka ku ah ummadnimmadeena, xil-dhibaannadii baa sharcigii duugay oo si aan qarsoodi ahayn ku bedeshay shillimaad uu u qaybiyay nin soo tuugsaday ama qabbaan u ah Qatar ama Emirates ama ka baqaya Itoobiya oo iyadu dowlad kasta oo dan kale Soomaaliya ay mar kasta gacanta soo qabsanayso si loogu bajiyo ama loogu xuuxiyo madaxda Soomaaliyeed ee dadkooda isu soo ururin karin!…. Haddaan khayaannada uu Farmaajo kula kacay dalka aan maanta sidaas kaga badbaadno, oo aan isaga iyo Maxamed Mursal, iyo Xasan Cali KHeyre, iyo intii khayaanada qaran la gashay aan maxkammad la soo taagin maxaan ka sugaynaa madax-weynaha isaga bedelaya?!…tan kale oo is weydiinta mudan waxay tahay maxaad ka fillan siyaasiga aan dabeecaddiisa soo tilmaanay oo aan xil-kaska ahayn, oo sharci iyo xeer uu ka baqanayo aysan jirin, iyadoo dhallin-yaradii dalka dhaxalka u lahaydna ay dhoohan war moog ah u badatay halka ay dhallin-yaradii cadowga u soo haliilayso dalkooda?!…

November-2018-2.png?resize=1000%2C767&ss

KHaa’in Al-wadhan; Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, KHaa’in Al-Wadhan Maxamed Mursal SHiikh Cabdi-Raxmaan, KHaa’in Al-wadhan Xasan Cali KHeyre;  Afar dekedood oo Itoobiya maal gashanyso!…Yaa?!…Itoobiya maal gashanayso! Hadda ogow Itoobiya lagamaba qadeeyo! Is-DHex-Galka Itoobiya iyo Soomaaliya!…Yaa?! oo maxaa is bedelay?! Waaba cadowga kowaada ee dadka Soomaaliyeedee, is-dhex gal sow kama horeyso in la heshiiyo?!!…Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya oo hal dal isku noqonaya! Eritrea iyo Itoobiya awalba hal dal bay isku ahaayeen, laakiin haddaan Soomaali nahay dalkeenna ninna kula shirkoobi mayno Ciidda iyo Biyaha Soomaaliyeedna iib ma aha! Eritrea, Itoobiy, iyo Soomaaliya oo hal ciidan wada yeelanay!…hadalkaas dowladda Eritrea ayuu dhowr bilood ka hor ka soo baxay, hasa ahaatee macnihiisu wax kale ma ahayn waxay ahayd in ciidankii Soomaaliyeed ee Farmoojo uu dalkaas u geeyay in si shakhsi ah isaga loogu soo taba-baro ay Itoobiya iyo Eritrea dagaalka ka socday Woqooyiga Itoobiya ee gobolka Tigray u adeegsadeen. Arrintan ma aha mid si xatooya ah ku dhacday ee waxay ahayd mid ay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Colnel Abiy Axmed.

Odayaasha DHaqanka iyo madaxda maamul goboleeddada xil-dhibaannadaad soo xusheen inay ummadda khayaanaan oo adinkoo ogna ay laaluusha qaataan!…

 Waxaa jiray in bishii November iyadoo laba toddobaad keliya uu socda dagaalkii uu Col. Abiy Axmed ku qaaday Tigray uu booqasho uu ku yimid Soomaaliya la taliyiha xagga amniga ee dowladda Itoobiya, ninka lagu magacaabo Gedu Andaragachew. Sida wararka soo baxayay ee socdaalka ninkaas la xiriiray ay sheegayeen ninkan ayaa u gudbiyay Maxamed Farmaajo farrin uu Abiy Axmed u soo dhiibay oo ahayd in cidammada  Soomaaliyeed ee dalka Eritrea lagu taba-barayo loo qaadayo dagaalka gobolka Tigray si ay uga garab dagaalamaan ciidmmada Eritrea iyo Itoobiya, codsigaas ayuu Farmaajo ku oggolaaday si hadal iyo shuruud  la’aan ah oo uusan waxba ka oran. Marar badan waxaa soo noqnoqonayay warar ay siyaabo hoose u faafinayeen ilo ku dhow-dhow KHaa’in Al-wadhan Farmaajo oo sheegayay inuu heshiisyo xad-gudub ku ah qaranimmada dalka la galay Colnel Abiy Axmed isagoo taas ku bedelanaya inay Itoobiya ku ilaaliso kursiga inta uu ka dhimanayo.

Waxaas oo xog ah nimankaas madaxda dalka ahaa marna afkooda lagama maqal mana beenin mar keliya!…Waaba ay dhacday, laakiin KHaa’in Al-Wadhan wali mudane ah! KHaa’in Al-Wadhan aan la sheegi karayn dhagarta uu dalka u geystay! AAAh! KHaa’in Al-wadhan dhagarta uu dalka ka galay wali dhibaatadeedii taagantahay oo madax-weynaan u rashaxnnahay ku leh! Ciil Weynaa! XIl-DHibaannada xataa mar keliya soo ma hadal qaadin mana isku dayin inay wax ka weydiiyaan heshiisyada uu la soo galay Eritrea iyo Itoobiya, ma aha inay cabsadeen oo haddii ay cabsanayaan maxay xilka ummadda ugu qaadayaan?!…Odayaasha DHaqanka, iyo madaxda maamul-goboleeddada waxaa ceeb idinku ah in maalin kasta xil-dhibaannada aad soo xusheen ay noqdaan kuwo ammaannadii ummadda u dhiibatay khayaana, waxaana shaki la’aan ah qofka aad soo xushay inuu tilmaan u yahay nooca ammaannadaada iyo xil-kasnimmadaada ay tahay!


W.Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

The post Farmaajo iyo Maxmed Mursal hadday madax yihiin yaa dalka cadow u ah?! appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this