Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudiga doorashooyinka heer federaal oo doortay guddoomiye cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo maanta yeeshay kulan rasmi ah ayaa waxay doorteen gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee guddiga.

Guddiga ayaa waxay guddoomiye u doorteen Mudane Muuse Geele Yuusuf, kadib markii guddoomiyihii hore ee guddiga, Maxamed Xasan Cirro uu madasha shirka isaga casilay xilkii hore isagoona ku wareejiyey gudoomiyaha ku-meel gaarka ah.

Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada gudoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada dalka.

Gudoomiyaha cusub ayaa isla maanta dhisay guddi ka kooban shan xubnood oo qabanaya doorashada gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka oo dhici doonta bilowga toddobaadka soo socda midaasi oo ku beegan 4-July-2021.

Waxaa si weyn u socota dar-dar-gelinta doorashada dalka oo muddo dhaaf ku yimid, kadib heshiis ay dhinacyada isku hayey ku gaareen magaalada Muqdisho, kaasi oo dalka u jiheynayey doorasho.

The post Gudiga doorashooyinka heer federaal oo doortay guddoomiye cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this