Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka oo Gudoomiye KMG ah doortay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1625220887642.jpg?resize=720%2C48

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ayaa kulan ay maanta u doortay Muuse Geele Yuusuf gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee guddiga.

Guddoonka cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada gudoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.

Sidoo kale guddoomiyaha ku meel gaarka ah ayaa dhisay guddi ka kooban shan(5) xubnood oo qabanaya doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmiya madasha shirka isaga casilay xilkii hore, isagoona ku wareejiyey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.

PUNTLAND POST

The post Guddiga Doorashooyinka oo Gudoomiye KMG ah doortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this