Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo sheegay in ciidankii Soomaalida ee loo qaaday Eretria lagu arkay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Mareykanka ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidanka Soomaaliya ay u dirtay Eritrea ay gudaha u galeen Itoobiya, taas oo ay horay u beenisay xukuumadda Federaalka.

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa weydiisay Robert F. Godec, oo ah sii hayaha ku xigeenka xoghayaha Waaxda Arrimaha Afrika ee Mareykanka, waxa ka jira ku lug lahaanshaha la sheegay in ciidamo Soomaali ah ee dagaalka Tigray.

Godec oo su’aashaas ka jawaabayay ayaa yiri “Waxaan ka war qabnaa in ciidamo Soomaali ah ay joogeen Itoobiya, laakiin hadda ma xaqiijin karo inay dagaal ka qeyb qaateen iyo in kale, balse waan xaqiijineynaa arrintaas,” ayuu yiri.

Ilhaan ayaa mar kale weydiisay Godec sababta ay ciidamada Soomaaliya u joogeen Itoobiya, wuxuuna ku jawaabay, “Waxaan rumeys nahay inay ciidamadaas ay yihiin kuwo Soomaaliya ay tababar ugu dirtay Eritrea kadib heshiis dhexmaray labada dowladood.”

Warbixin dhowaan ka soo baxday Hay’adda Xuquuqda Addanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamo ka socday Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay saldhig militari oo ku yaalla Eritrea in ay suuragal tahay inay ka qeyb qaateen dagaalka ka socda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay soo gareen warar sheegayo in ciidamada Soomaaliya lagu arkay magaalada Qaddiimiga ah ee Aksum ee Tigray iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Eritrea.

“Waxaan helnay macluumaad iyo warar ku saabsn in ciidamada Soomaaliya laga soo daabulay saldhig militari oo ay tababar ku qaateen oo ku yaalla Eritrea si ay ugu biiraan dagaalka Tigray, waxaana la socday ciidamo Eritrea ah.”

Dowladda fedaraalka ee Soomaliya ayaa bishii January beenisay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Tigray.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa  xilliggaas sheegay in aysan gabi ahaanba jirin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka dagaalamay gobolka Tigrey.

The post Maraykanka oo sheegay in ciidankii Soomaalida ee loo qaaday Eretria lagu arkay Itoobiya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this