Deeq A. Posted July 2, 2021 Buundo dul marta Wabiga Tekeze, oo ahayd marin muhiim u ah in cunno gargaar ah la gaarsiiyo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Tigray ayaa la burburiyay. Mr Roger Sandberg oo ka socda dhaqaatiirta caafimaadka ee caalamiga ah, oo ku sugnaa buundada seddex saacadood ka dib markii la qarxiyay subaxnimadii Khamiista, ayaa sheegay in shaqaalaha gargaarka ay la halgamayaan sidii ay u gaarsiin lahaayeen waxyaabaha aasaasiga ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool Tigray-ga. Guddiga Badbaadinta Caalamiga IRC) ayaa sidoo kale xaqiijiyay burburka buundada. Waxayna sheegtay in gaarsiinta gargaarka cuntada ay ka sii dhib badnaan doonto sidii hore, IRC waxay sheegtay inay aad uga xun tahay burburka waxayna intaas ku dartay inay sii wadi doonto baaqyada ay u jeedinayso dawlada Itoobiya ee ku aadan gargaarka bina’aadanimo ee aan xadidnayn ee ay la wadaagto gobolka Tigray. PUNTLAND POST The post Buundo muhiim u ahayd Gobolka Tigray oo la burburiyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites