Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad degaanka Soomaalida DDS oo digniin u jeediyay shakhsiyaad taageersan TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda dowlad Deegaanka Soomaalida DDS ayaa sheegtay in aysan u dul-qaadan doonin shakhsiyaadka sida ay sheegtay u gacan-haadinaya ururka TPLF, oo hadda u muuqda in uu soo rogaal celiyay kadib markii uu toddobaadkan qabsaday magaalada Mekelle.

Kulan uu yeeshay golaha fulinta ee dowlad deegaanka, uuna shir guddoomiyayay madaxweyne Mustafa Muxumed Cumar (Cagjar), ayaa lagu sheegay in ururka TPLF uu sanado badan dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha iyo bulshada ah ku hayay Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta deegaanka, Cali Baddal Muxumed, ayaa sheegay in mar kasta ay jecel yihiin in aan “la uus duugin” taaiikhda ay soo mareen shacabkooda.

Waxaan muujineynaa in TPLF ay yihiin urur dhibaato u geystay shacabka Soomaalida oo dhankeenna ay ka yihiin urur dembiilayaal ah,” ayuu yiri wasiirka.

PUNTLAND POST

The post Dowlad degaanka Soomaalida DDS oo digniin u jeediyay shakhsiyaad taageersan TPLF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this