Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Carabta oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Caadil bin Cabdiraxmaan Al-Casuumi ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay sida madaxda Soomaaliyeed ay u muujiyeen mas’uuliyad wadareed si hore loogu dhaqaaqo, isagoo intaas ku daray in Baarlamaanka Carabtu garab taagan yahay Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo horumarka dalka.

Guddoomiye Al-Casuumi ayaa ugu baaqay wadamada Carabta iyo beesha caalamka in ay taageeraan Soomaaliya si looga miradhaliyo heshiiyadii la gaaray, sidoo kalena ay u dhacdo doorasho daahfuran.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Carabta oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this