Sign in to follow this  
Deeq A.

Halista ugu weyn ee Somaliland ka jirtaa waa ajaanibka aan tixraaca lahayn

Recommended Posts

Deeq A.   

209439246_3094823134082412_5850186981638

Halista ugu weyn ee Somaliland ka jirtaa waa ajaanibka aan tixraaca lahayn ee dalka meel walba jooga iyo xuduudaha iska furan ee ciddii doontaa iska soo geli karto goorta ay doonto.

Haddaad Somaliland ka soo gasho xuduudka ugu galbeedeeya, adiga oo aan baadhitaan macne leh la kulmin ayaad ka gudbaysaa xuduudka ugu bariyeeya – sidii dhul aan cidi lahayn oo kale, adigoo iska degi kara halka aad doonto, gurigaad doontana kiraysan kara.

Suxufiyadda iyo qoraaga Mary Harber, buuggeega ‘Everything you told me is true’ waxay ku sheegtay inay Somaliland tahay halka ugu nugul ee ay ka unkami karaan kooxo argagixiso ahi. Dabcan, waxay ahayd digniin weyn oo la inoo soo diray, laakiin waxay ku dhacday dhego laydh u daloola.

Tixraac la’aanta ajaanibka ee iska caadiyowday waxay soo jiidan kartaa dambiilayaasha waaweyn ee dalalka jaarka oo dhan, iyaga oo gabbood u arki doona; xiitaa kuwo dalal fogfog ku nooli hadday xogtan helaan, waxay ka dhigan karaan gabbood, waxaanay taasi horseedi doontaa qalalaase riiq dheeraada.

Kolkaas aragagixiso kaliya uma nuglin, dalku wuxuu u diyaarsan yahay in dambi kasta sida ugu fudud dhexdiisa looga abaabulo, loogana fulin karo. Waynu wada xasuusan nahay sidii fududayd ee sannadkii 2008dii Hargeysa gudaheega looga abaabulay qaraxyadii waaweynaa, ee aan xiitaa inay xog ka helaan iska daaye, aanay marqudha laamaha amnigu ka shakiyin. Dhacdadaasi waxay innagu baraarujisay itaaldarrida laamaheenna amniga.

Somaliland waxay kulmisay ajaanib tirabadan oo ka kala yimid Itoobiya, Yemen, Suuriya, Soomaaliya, Hindiya, iyo dalal kale; 90% hadday ajaanibtaas laga ma hayo xog sugan, hadday dambiyo geystaanna ma jirto meel loo raacaa.

Waxaa qasab ah ajaanibkaas wixii haysta sharciyad qoxoontinimo ama mid degganaansho oo la hubo mooyaan e, in inta kale oo dhan wakhtiga ugu dhaw dalka lagaga saaro, xuduudahana la xidho; haddii kale aynu iska sugno inta dambiyadu ka gudbayaan inan yar oo saqdhexe gurigooga lagala baxay.

Qore: Subeer Waaberi
subeerwaab@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this