Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Maraykanka oo Baaq ka soo saartay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
antony-blinken.jpg?resize=992%2C744&ssl=

Xoghayaha Arrimaha Dibedda dowladda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku boorriyay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay sida ugu dhakhsaha badan uguna macquulsan ku dhammaystiraan hannaanka doorashooyinka dalka

Waxaan ku baaqayaa in la sii wado wada-shaqeynta hoggaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada federaalka, si taasi ay u suurta-galiso dhammaystirka hanaan doorasho oo nabad ah, loo dhan yahay, islamarkaana daah-furan, sida ugu dhakhsaha badan uguna suurta-galsan.”

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdisa ay faraxsan tahay inay sii waddoo taageerada ay siiso dadaallada madaxda Soomaalida ee ku aadan dhisidda Soomaaliya nabad, xasilooni iyo barwaaqo ah.

Jadwalka cusub ee doorashada ee la soo saaray ayaa dhigaya in doorashada madaxweynaha  ay dhacdo 10-ka October 2021, iyada oo midda xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanka la dhammaystirayo ugu dambayn 20-ka September, sida qorshuhu uu yahay.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Maraykanka oo Baaq ka soo saartay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this