Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir-gudoonka Wakiillada Oo Madaxweyne Muuse U Gudbiyey Xeerkii Nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Ee Guurtidu Toddobaadkan Ansixiyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxtooyada Somaliland ayaa dorraad loo gudbiyey Xeerka Nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2021 kadib markii toddobaadkan Golaha Guurtida Somaliland oo uu muddoba hor yaallay si rasmi ah ugu ansixiyey Kalfadhigiisa kadib markii wax ka baddal iyo kaabis lagu sameeyey Xeerkan.

Shir-guddoonka Golaha wakiillada xilka sii haya ayaa Madaweynaha u gudbiyey Xeerkan si uu Madaxweynuhu sida ugu dhakhsaha badan qalinka ugu duugo kadibna lagu soo saaro faafinta rasmiga ah taasi oo u muuqata dadaal xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku doonayso in uu xeerkani si degdeg ah ugu dhaqan galo.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola qorshaha Madaxweyne Muuse Biixi dabada kaga riixayo xeerkan ayaa wargeyska Foore u xaqiijiyey in Guddoomiyaha Golaha wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax uu dorraad oo Salaasa ahayd u gudbiyey Xafiiska Madaxweynaha xeerkan si uu isna Madaxweynuhu waajibkiisa dastuuriga ah uga guto kaasi oo la filayo in uu sida ugu dhakhsaha badan u saxeexo.

Tan iyo markii xeerkan loo gudbiyey Golaha Guurtida Somaliland oo uu muddo kooban hor yaallay waxa hadal haynta ugu badani ka taagnayd sida ay xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE u danaynayaan Xeerkan Nidaamka Ururrada Iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2021 oo jidaynaya in wakhtigii xisbiyada hadda jira ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID muddada jiritaankoodu ku egyahay bisha Diisambar ee sannadka soo socda 2022, wakhtigaasi oo ay ka dhacayso shahaadadooda sharci ee jiritaan taasina keenayso in dalku galo doorashooyin ay ku tartamaan Ururro siyaasi ah si ay uga soo dhex baxaan saddexdii Xisbi siyaasadeed ee muddoda soo socota masraxa ku tartami lahaa.

Dad badan oo u kuur gala siyaasadda Somaliland waxa ay aaminsan yihiin in ay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka go’an tahay in uu dabarka ka furo ururradii Siyaasadda si uu xaaladda ugu adkeeyo Xisbiyada Mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo doorashooyinkii isku sidkanaa ee ugu dambeeyey dhistay isbahaysi adag oo ay qarqarsiga ugu adkeeyeen Xisbul xaakimka KULMIYE taasi oo keentay in ay ku guulaystaan aqlabiyaddii Maayarrada Magaalooyinka waaweyn ee dalka iyo sidoo kale Aqlabiyaddii Golaha wakiillada Somaliland oo ay imikana dadaal ugu jiraan sidii ay Golahaasi shir-guddoonkiisa gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Dad badani waxa ay ka dhur sugayaan bal khamaarkan siyaasadeed ee culusi halka uu salka dhigo iyo haddii uu Madaxweynuhu ka badheedho is biimayntaasi siyaasadeed ee halis galin karta xataa xisbigiisa KULMIYE oo aan la ogayn sida ay xaaladdiisu noqon karto iyo saamaynta ay tallaabadani ku yeelan karto damiciisa ku aaddan doorashada Madaxtooyada ee shanta sano ee soo socota maadaama muddo xileedkiisu ku eg yahay dabayaaqada isla sannadka soo socda ee 2022.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this