Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo ka qeybgalay calan-saarka maalinta xorriyadda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, si loo maamuuso Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo oo ku aaddan sannad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee gumaystuhu uu kala qaybiyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalintan qiimaha badan oo ku suntan gobanimada, midnimada iyo dowladnimada dadka Soomaaliyeed ee maal iyo naf-ba u huray hanashada Qaran ka tarjumaya himilada iyo hiigsigooda.

Sidoo kale Madaxweynaha oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso Heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo caawa ay ka bilaambatay dabbaaldegyada Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada.

Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay bogaadin ku mudan yihiin sida qiimaha badan ee ay uga qayb qaadanayaan Xuska Toddobaadka Xorriyadda, iyaga oo muujiyey dal iyo dowlad jacayl, soona bandhigay sida ay ugu faanayaan Qarankooda.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

FB_IMG_1625090034434.jpg FB_IMG_1625090039030.jpg FB_IMG_1625090049903.jpg FB_IMG_1625090059982-1.jpg FB_IMG_1625090059982.jpg FB_IMG_1625090029804.jpg FB_IMG_1625090032136.jpg

The post Farmaajo oo ka qeybgalay calan-saarka maalinta xorriyadda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this