Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo madaxweyne Farmaajo ku eedaysan in uu maal-geliyay dacaayad ku suntan difaaca Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedaysay in uu lacag ku bixiyay dacaayad ku salaysan difaacidda Al-shabaab.

Qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka soo geliyay af-hayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Deperani, ayuu ku sheegay in madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhammaaday (Farmaajo) uu lacag ku bixiyay sawir-gacmeed muujinaya arrintaas.

Deperani ayaa tilmaamay in sawir-gacmeedkaas looga been-sheegay xogta ku saabsan 18 nin oo dhowaan Puntland ku fulisay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, saacado kadib markii farshaxaniiste Amiir Caamir uu soo saaray sawir loo ekaysiiyay madaxweyne Deni oo gacantiisa ku tooganaya dad ku qaylinaya in aysan Al-shabaab ahayn.

Deperani.png?resize=595%2C286&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Puntland oo madaxweyne Farmaajo ku eedaysan in uu maal-geliyay dacaayad ku suntan difaaca Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this