Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu danbeeyay+Dowladda Itoobiya oo shaacisey in Ciidankeedu dib u qabsan karaan Gobolka Tigray caqabad la’aan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Itoobiya oo shaacisey in Ciidankeedu dib u qabsan karaan Gobolka Tigray caqabad la’aan

ridwan.jpg

Itoobiya ayaa ka hadashey markii uggu horeysay oo ay mucaaradka TPLF dagaal yahanadooda qabsadeen xarunta gobolka Tigray ee Mekelle.

Dowladda ayaa sheegtay in sababtii ay uggala soo baxdey gobolka Tigreega ciidamadeeda ay tahay arrin siyaasadeed, laakiin aaney aheyn mid military, sida uu sheegay wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Itoobiya, Redwan Hussien.

Wuxuu intaa ku darey wasiirku in haddii ciidamada federaalka Itoobiya dib looggu amro iney halkaasi qabsadaan, iney ku qabsan karaan toddobaadyo gudahood, sidii kal horaba ay ugga qabsadeen TPLF bishii November ee sanadkii tagey ee 2020-ka, kuwaasoo ka xoog badnaa kana abaabul wanaagsanaa, sida ay haatan yihiin.

TPLF ayaa sheegtay maalmihii lasoo dhaafey in gobolka Tigray ay ku qabsatey awood military, oo ay ku muquuniyeen kuwii halkaa kusugnaa.

Dalkan ayaa dagaalka ka socda gobolka Tigray wuxuu uggu kacey dhaqaalo gaaraya laba bilyan oo Doolar sideedii bilood ee ina dhaaftey, inteeda badan waxey ku bixiyeen dhanka gargaarka, waa sida ay dowladdu sheegtaye.

Redwan ayaa intaa raaciyey in 70% gargaarka bani’aadanimo ee la geeyey gobolka Tigray ay bixisay dowladda federaalka Itoobiya, iyadoo u tureysa shacabka dagaalka halkaasi ku qabsadey.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in sheegashada dowladda ee ah in dagaalkii Tigray uu dhamaadey bishii November ee ina dhaaftey, inkastoo halkaasi ay ka wadeen dagaal ku dhufoo ka dhaqaaqa mucaaradka Tigray, taasoo uu ku eedeeyey wasiirku iney shacabka ka dhiganayeen gabaad.

Halkan ka akhri Warkaas oo la soo turjumay:-

Wasaarada arimaha dibada itoobiya iyo taliska ciidanka milatariga itoobiya oo war-saxaafadeed kasoo saaray bixitaanka ciidanka ee deegaanka tigreega.
Ambassador Redwan Hussein, oo u hadlay wasaarada arimaha dibada itoobiya ayaa sheegay in ujeedadii laga lahaa vulufka colaadeed ee deegaanka tigreega laga gaadhay islamarkaana ay dawladu iyadoo eegaysa saamaynta guud ee dalka arintani ku yeelatay iyo dhibaatada shacabka soo gaadhaysa ay qaadatay go,aan siyaasi ah oo ay gabi ahaanba deegaankaasi kagala soo baxday dhamaan ciidankii ka joogay.
,,Shalay waxaa nalagu eedaynayay inaan gargaarka hor istaagnay, waxaa nalagu eedaynayay in shacabka aanu dhibaato ku hayno maantana halkii bixitaankanaga naloogu hambalyayn lahaa wali waxaa jira baaq ah jid gargaar hala furo ayuu yidhi Ambassador Redwan Hussein.
Dhankakale General Bacha Dabella, oo kamid ahaa saraakiishii ruqsada uu uga yeedhay pm Abiy Ahmed ee dagaalka hogaaminaysay ayaa yidhi.
,,Dagaalku wuxuu ka bilowday inaan sharciga horkeeno kuwii xasuuqay taliska waqooyi ee ciidanka qaranka, kadib markii kooxda juntaaga aanu deegaanka ka erinay waxay bilaabeen inay shacabka gabaad ka dhigtaan oo ay ku abaabulaan qoomiyad ahaan ayaa lainoo tirtirayaa, waxaa ina soo weeraray kuwaad shalay jabiseen iyo waxyaabo lamid ah.
Arintani waxay abuurtay anaanu nafhuris badan samayno balse markaan eegnay khasaaraha iyo faaiidada kujirta in ciidanka qaranku siijoogo Mekele waxaan go,aansanay inaan gabi ahaanba banayno deegaanka tigreega, waayo hadii aan ciidanka Mekele ka qaadno oo aan magaalo kale gayno waxba isma badalayaan marka arintani waa go,aan siyaasadeed oo anaga ciidan ahaana talo nalaga siiyay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this