Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada oo ku guulaystay in la galiyo Lacago lasiin jiray DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Beyle uu Ku macneeyey Lacagaha laga jaray Xukuumada, Dhaqan ay Beesha Caalamku u lahayd inay hakiyaan dhaqaalaha lagu kabo Xukuumada xiliga Kala guurka, balse waxaa xaqiiq ah in aysan jirin dhaqaale la jaray ama hakad lagaliyey kala guurkii (Xiliga Doorashada) kan ka horeeyey Xukuumadii Madaxweyne Xasan Shekh.

Xogta rasmiga ah ee Warbaahinta Puntlandi hayso, Mucaaradka iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore waxay Beesha Caalamka ku cadaadiyeen in la Cunaqabateeyo Xukuumada Federaalka iyagoo ka faa’iideysanaya Buuqii Siyaasadeed ee ka dhex aloosnaa Xukuumada Farmaajo iyo Beesha Caalamka.

Mucaaradka iyo Puntland waxay ku andocoonayeen in Xukuumada Federaalku ay dhaqaalaha loogu deeqo u adeegsatay caburin, Burburin Maamuladii dhisnaa iyo Baraha Bulshada si loo abuuro Borobogaando lagu taageerayo Xukuumada.

Mudo hada Sanad laga joogo ayay Beesha Caalamku bilaabeen iney tartiib tartiib u karaan dhaqaalihii lagu labo jiray kharashaadka Xukuumada, Dowlada Ingiriiska ayaa bilowday iyagoo ka caroodey falalkii ka dhacay Baydhabo xiligii Doorashada Madaxweyne Lafta Gareen.

Talyaaniga iyo Norway ayaa iyana hakad galiyay Dhaqaalihii ay ku taageeri jireen oo u badnaa mushaarka Ciidamada iyo Dhaqaalaha Dowlada.

Maraykanka ayaa isna qaadey wadadaas wuxuuna jaray dhaqaalihii ugu badnaa oo taageero ay u heli jirtay Dowlada Federaalku.

Intaas kuna ekaan Beesha Caalamku, waxay Cadaadis saareen Turkiga iyo Carabta si loo cunaqabateeyo Villa Soomaaliya.

Qatar iyo Turkigu waxay mudo laga joogo Lixbilood ay joojiyeen Dhaqaale Kaash ah oo siyaabo kala duwan ay ku bixin jireen.

Waxaa iyana jirta Lacag ay Sacuudiga ku deeqi lahaayeen oo Maraykanku hor istaagay.

Reer Galbeedka daneeya Arimaha Soomaaliya waxay taas badalkeeda bilaabeen iney Sare u qaadaan Deeqaha ay siiyaan Soomaaliland iyo Puntland.

Puntlandi.com Garowe

747864CE-7C2C-40F7-A612-54470601269F.jpe

The post Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada oo ku guulaystay in la galiyo Lacago lasiin jiray DF appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this