Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mekelle)-Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa wali sii wada dhul ballaadhsi kadib markii ay dib ula wareegeen caasimada gobolka ee Mekelle oo ay kala wareegeen ciidamada dowlada.

Mucaaradka ayaa hadda galay magaalada Shire, oo qiyaastii 140km (90 mayl) u jirta waqooyi-galbeed, sida ay sheegeen saraakiisha Qaramada Midoobay.

Ciidamadii Eriteria ee taageersanaa ciidanka Itoobiya ayaa goor sii horreysay iskaga baxay magaalada.

Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – siddeed bilood kaddib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.

Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this