Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga dib u heshiisiinta Gedo oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16249840700113978.jpg?resize=720%


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee lagu go’aamiyay heshiiskii 27 May 2021.

Xubnaha gudda dib u heshiisiineed ee Gedo oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubaland ayaa kala ah.

1. Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle.

2. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

3. Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed.

4. Aadan Cismaan Xuseen, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Boostada Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiga faray in ay si deg deg ah u hawlgalaan, una bilaabaan dib u heshiisiinta gobolka Gedo.

Guddiga waxaa ka mid ah shaqooyinka u yaalla dhameystirka qorshada xasilinta gobolka Gedo iyo jawiga qabsoomida doorashada Garbahaarey.

PUNTLAND POST

The post Guddiga dib u heshiisiinta Gedo oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this