Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanada Golaha Wakiillada Ee Beeshiisa Uga Soo Baxay Xisbiyadda KULMIYE Iyo UCID?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xoggo uu Wargeyska Waaberi helayo ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu dhawaan kullan la yeeshay Xildhibaanada Golaha Wakiillad ee Beeshiisa uga soo baxay Gobollada Saaxil iyo Maroodijeex,kaas oo ahaa mid ka duwan kii uu dhawaan la yeeshay soddonka Xildhibaan ee Xisbiga KULMIYE uga soo baxay Golaha Wakiillada Somaliland.

Kullankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid u gaar ahaa Madaxweyne Biixi iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Beesha Subeer Awal uga soo baxay Xisbiyadda UCID iyo KULMIYE,waxaana la sheegay inuu daaranaa is barasho iyo is xog-warraysi, Ma jiro war si rasmi ah u xaqiijinaaya kullanka oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, marka laga yimaado xoggahaas.

Dhanka kalene Xoggaha aanu ka helnay kullankaas ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi iyo xubnaha uu la kulmay ee Xildhibaanada Beeshiisa ay dhex-martay dood dheer,waxaana la sheegay inuu Madaxweyne Biixi uu u bandhigay qorshihiisa shir Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Musharraxiinta uu doonayo inuu ku dhiso shir Guddoonka Golaha Wakiillada.

Waxaanay Xogguhu ay xuseen in Madaxweyne Biixi iyo xubnaha Xildhibaanada Beeshiisu ee uu la kulmay ay isla qateen inay la dhisaan Madaxweynaha Musharrax Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon iyo labada Musharrax ee kale ee uu wato,waxaanay ballan qaadeen inay codkooda siinayaan maalinta doorashada shir Guddoonka Golaha Wakiillada.

Geesta kalene waxa la sheegay in aanu kullan-kan ka qayb-geli Xildhibaan Axmed Dayib Aadan (ku caddeeye), kaas oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee ka soo baxay Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI,waxaana la sheegay inuu Madaxweyne Biixi uu ergo u diray,balse uu diiday sheikh Axmed,isla markaana uu ku gacan-saydhay inuu la kulmo xattaa Madaxweynaha.

Gunaanadkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan kullan kula yeeshay qasriga Madaxtooyadda dhammaan Xildhibaanada Golaha Wakiillada uga soo baxay Xisbiga KULMIYE,waxaanu caddeeyey inuu madaxweyne ahaan dhisayo oo ay ka go’an tahay sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, isaga oo sharraxay sababaha keenay inuu noqdo qofka ugu mudan ee golahaas hoggaamin kara, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,”Anigu waxan dhisayaa Prof. Yaasiin, dad baa jira la yidhaahdo AHLU BEDER oo maalintay adkayd dalkan wax ka qabtay, Badhasaabkii ugu horreeyey ee 1991kii iyada oo dadka oo dhammi qori wada sito ninkii ka hortegay ee nabadeey yidhi buu ahaa, Toddobadii shir ee Barri lagu qabtay ninkii ku jirey buu ahaa, dawladdii ugu horraysay iyo tii Cigaal ba ka mid buu ka ahaa, Taariikhdaas buu ku leeyahay, nasiibna wuu ku leeyahay.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this