Deeq A. Posted June 29, 2021 Maxkamada ugu sarreysa dalka South Africa ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah. Ex. Madaxweyne Jacob Zuma ayaa lagu helay in uu ixtiraam darro ku sameeyay amar ka soo baxay maxkamadda oo ahaa in uu horyimaado, si loo dhegaysto eedeymo loo heysto. Eedeymaha loo heysto madaxweyne Zuma waxaa ka mid ah musuq-maasuq iyo fadeexooyin dhaqaale intii u dhexeysay sanadkii 2009 ilaa 2018 ee uu ahaa madaxweynaha South Africa. Go’aanka maxkamadda dastuuriga ah ay ku amartay xarriga Zuma ayaa yimid shan bilood kaddib markii maxkamaddu ka codsatay inuu horyimaado, si wax looga weydiiyo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay bishii February. PUNTLAND POST The post Ex. madaxweyne Jacob Zuma oo xabsi lagu xukumay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites