Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Sanyare: Dadka mad-madow waa dad inkaaran oo kharriban waxa liibaanay dadka cad-cad

Recommended Posts

Deeq A.   
SANYARE1.jpg?resize=1000%2C849&ssl=1

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo hadal ka jeediyay munaasabaddii lagu doortay maamulka degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug, ayaa dadweynaha ku boorriyay in ay Canshuurta bixiyaan, si loogu fuliyo hirgelinta adeegyada dowliga ah.

Guddoomiye Sanyare ayaa ku boorriyay shacabka degmada Jarriiban in ay maamulka cusub kala shaqeeyaan horumarinta degmada taas oo sida uu sheegay ku imaan karta in la bixiyo Canshuurta si loo socod-siiyo shaqada maamulka ee dhinacyada xaqiijinta Amniga iyo horumarinta.

Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sidoo kale bulshada ugu baaqay in aysan waxba ka sugin hay’adaha Samafal oo keliya, balse ay iyagu isku-tashi sameeyaan, waxaana uu tilmaamay in deeqda laga keeno dibadda ay tahay Canshuur ay bixiyeen dadka ku nool dunida horumartay.

Dadka madow-madow waa dad kharriban waxa kama soo baxaan, maskaxdoodu Product ma leh, wixii la siiyay cunaan, dadka cad-cad ee horumaray ee gaajada ka cararay ee iyagu liibaanay, waxay ku liibaaneen dadkooda canshuurta baxshay” ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.

Sidoo kale, wuxu ku baaqay in lala xisaabtamo hay’adaha Samafalka oo la weydiiyo waxay dadka u qabanayaan iyo halka ay ka yimaadeen, islamarkaana aan la ogolaan hay’ad aan sharciyad ka haysan dowladda.

Hoos ka daawo muuqaalka Guddoomiyaha

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Sanyare: Dadka mad-madow waa dad inkaaran oo kharriban waxa liibaanay dadka cad-cad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this